Ciidankii Caaglayaasha oo Jidgooyo dhigtay Koontaroolka Koonfureed ee Garowe
8 marso 2017 (Puntlandes) Waxaa Jidgooyo dhigtay Caawa Koontaroolka Koonfureed ee Caasimadda Puntland ee Garowe laga soogalo Ciidankii Caaglayaasha ahaa ee ay Fariisinka ka dhigtay Xerada 54aad ee Garowe.
Caaglayaashan oo ku hubaysan Hubka culus ee Tiknikada loo yaqaano ahaana Ciidan ka amar qaata Kooxda Aaaranjaan oo dhawaan qabsatay Xarunta Baarlamaanka Puntland horteeda.
Warbaahinta Puntlandes oo si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqyada ka socda Garowe ayaa ogayd in ay Kooxda Aaaranjaan uruurin iyo abaabulid ugu jirtay in Ciidankaan Caagleeyda ah ay Qas iyo Qalaalase ka abuuraan Caasimadda Puntland ee Garowe- Ciidankii Caaglayaasha Jidgooyo dhigtay Koontaroolka Koonfureed ee Garowe,
Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Puntland ayaa dhawaan waxay caddaysay in Ciidamadeeda ay qaataan Mushaarooyinkooda.
Maanta ayaa waxaa shir jaraa’id ay kooxda Aaranjaan ka qaban qaabisay Xerada 54aad oo ay Fariisinka ka dhigteen niman awalba diiday in la diiwaan geliyo oo Kaar Aqoonsi la siiyo. Nimankaani qaarkood waa qaadwalayaal, halka qaar kale ay yihiin Dudaalay suuqa Xoolaha oo iminka uu hoos u dhac ku yimid taaso fududaysay in si sahal ah loo uruuriyo ama loo helo.
Halkan ka dhagayso Shirkoodii Jaraa’id
Puntlandes.com