XOG-FAALLO: Maxaa ka jira Garowe?
8 marso 2017 (Puntlandes) Mudooyinkii u dambeeyey waxaa dhagaha shacabka reer Puntland kusoo dhacayey wararka la xiriira Ciidamo gadooday oo ka cabanaya Mushahaar la’aan.
Waxaa dhacday dhawaan in Ciidan la sheegay inay ka cabanayaan Mushahaar la’aan ay muddo kooban hor istaageen Afaafka hore ee Baarlamaanka Puntland ee Caasidda Garowe.
Hadaba Warbaahinta Puntlandes oo u shaqaysa danaha ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland ayaa waxay aad isugu hawshay geed dheer iyo mid gaabana u inay wax ka ogaato si ay shacabka reer Puntland ugu soo gudbiiso waxa ka jira Cabashada arimahaas.
Ciidanka Puntland
Sidaynu wada ogsoonahay waxaa waajib ah in Ciidanka difaaca qaranku uu helo Xuquuqda uu leeyahay si aan daahniin ku jirin. Waxaa kaloo waajib ah in Askarigu Diiwaan gashan yahay oo uu leeyahay Teesare aqoonsi oo lagu garto, meel laga xukumo, shaqo lagu ogyahay oo u gaar ah leeyahay iyo meel uu ka hawlgalo sidii Ciidamada lagu arki jiray.
Xaqiiqda jirta
Puntland waxaa ka jiray tan iyo xiligii uu AUN Cabdulaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa in Siyaasad ahaan uu Ruux Sargaal ah ku Mushahaar qaato 50, 100, 150, 300 Askari oo aan jirin laakiin lagu Naas nuujinayo sargaalkaas. Arrintan Musuqmaasuqa ku salaysan waxay XARGAHA goosatay xiligii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Dr Faroole. Haloo kala badnaado laakiin waxaa aad uga faa’iidaystay Naas nuujintan waa Cabdulaahi ka har, Cadde ka har iyo Faroole ka har oo ku BARAARAY.
Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Maxamed Xaaji Aadan oo laga yaqaan Puntland iyo Soomaaliyaba, Caydiid na madaxweyne kuxigeen u soo noqday, uu ku Mushahaar qaadanayey Dawladdii Faroole Guuto lagu magacaabo Guutada Kumaandoosta Dalaayadaha ku booda, Ciidankaas oo warqad kaliya uun u jiray ee si run ah aan u jirin!!!!CAJIIB
Musuqmaasuqan lagu dhaco hantida ummadda Puntland waxaa looga yaqaanaa Puntland “Ciidan CAAGLEEY ah“, tusaale ahaan Sargaal hebel 70 Caagleey ah ayuu ku Mushaarqaataa iwm.
Tirakoobka Ciidanka Puntland
Balanqaadkii madaxweyne GAAS markii la doortay ayaa waxaa ugub dhexaad u ahayd in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada qaybahooda kala duwan.
Waxaa markiiba bilowday sidii balanqaadku ahaa Tirokoobka, Diiwaan gelinta iyoTayeynta Ciidamada kala duwan ee Puntland. Hadaba taasi waxay fududaysay in la ogoodo Qof walba oo Ciidan ah iyo meeshuu ka hawlgalo si Xuquuqda uu leeyahay uu si fudud ugu helo, iyadoona sahlaysa in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka hawlgala Puntland.
Xaggee ku dambeeyey Shaqadii Guddiga tirakoobka?
Shaqadii Gudigga Tirokoobka Ciidamada Puntland waxaa ka hor yimid Mowjado diidan in la diiwaan geliyo oo Askar aan jirin rabay inay ku Mushahaar qaataan.
Taasoo ay u arkayeen inay diiwaan gelintaasi iyo habaynta ciidanku ay dantooda ka hor imaanyso, sida Caaglayaasha caawa Koontroolka Jidgooyada dhigtay, faahfaahin halkan riix.
Meelaha sida aadka ah looga diiday in la tirokooba Ciidamadda Puntland waxaa u horeeya Gobolka Nugaal.
Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”LAQDAMO IYO LILAAHI MEEL MA WADA GASHO” Sadex sano Ciidan baan ahaa, sadex sannana Mushahaar ma qaadan meel ma wada geli karaan?
CAAGLOOW MAXAAD AHAYD?
Caagle Ciidan ma rabo, qaadkiisa inuu gatuu rabaa, Arigiisa inuu Dulaaluu rabaa, inuu isdiiwaan geliyo ma rabo lacagna inuu Ciidanimo ku qaato ayuu rabaa.
Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ogaatay in la isku hayo labo wqaxyaalood.
Dawladu Puntland waxay tiri ”Askarigii aan diiwaan gelino Xuquuqdiisa waa naga diyaar”, dad ku Mushaar qaata dad aan Ciidan ahayna ama aan jirina oo mudana kusoo qaadanayey intii ka horaysay dawladaan Dr cabdiwali waxay yiraahdeen ”..na diiwaan gelin maysaane, tiradaan idiinsheegno keena lacagtooda”, taaso u cuntami wayday dawlada Puntland.
Horay waxaa madaxweynuhu u cadeeyey in Askari reer Puntland ah oo u diiwaan gashan dawlada Puntland inuusan Xuquuqdiisa waayeyn, taasoo la waayey markii la baaray.
Nimankii maanta shirka jaraa’id qabtayna oo sheegtay inay Fariisinka u tahay Xerada 54aad ee Garowe waa nimankii diiwaan gelinta diiday, waxaad barataa waa baaskaa.
Nimankaani maaha kaligood waxaana raarta dambe u fadhiya ”Aw geedi Baabow” taasoo aanu si dhow ula soconay maalmahan iyadoo qaarkood laga keenay BuuroWadal.
Ciidamada Puntland Xuquuqdooda way helaan
Ciidamada Puntland waa noocyo badan yihiin waana diiwan gashan yihiin, Askari walbana meesha uu joogo ayuu Xuquuqdiisa ku helaa, wax wax tabanayana ma jiraan dawladuna waa sii kordhinaysaa maalinba maalinta ka dambaysa Ciidamadeeda iyo Tayadooda.
Caaglayaashan oo waa hore laga tagay ayaa hada waxaa soo uruursaday Kooxda Aaranjaan oo iyagu u taagan dhibka dadka iyo dalka Puntland si ay Qas iyo Qalalaase isugu dayaan inay ka abuuraan Puntland, iyadoo waliba shacabka reer Puntland la daalaa dhacayaan Abaarta Xun dawladuna ay ku hawlan tahay sidii ay dadka iyo Duunyada wax ugu qaban lahayd.
Wixii warar ah ee kusoo kordha Caaglayaal kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com