Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilalka ku soo badanaya magaalada Muqdisho

9 marso 2017 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilalka habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka ay walaac ka qabaan dilalka sii kordhaya ee kooxaha hubeysan ka geysanayaan Xaafadaha magaalada Muqdisho tan iyo markii uu dhacay Isbedelkii madaxeweynaha JFS loogu doortay mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

234-3b

 

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa ku sheegay in kuwa dilalka geysanaya ay kaga gol leeyihiin inay muujiyaan inay joogaan, waxaana uu xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu tallaabo ka qaadayo.

Ma jirto illaa iyo hada cid loo soo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaa ugu dambeeyay habeenkii xalay ahaa oo Guddoomiye laameed lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Puntlandes.com

About The Author