Sawiro: Kulamo ku saabsanaa is dhexgalka iyo nabada Bulshada Galkacyo oo ka dhacay Puntland iyo Galmudug
9 mars 2017 (Puntlandes) Masuuliyiinta dagmada Galkacyo ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya xafiika Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada dhinac ee Gaalkacyo ku qabtay kulamo lagu dhiiri galinayo isdhexgalka Bulshada Nabadda, Haweenka iyo sidii looga qayb qaadanlahaa abaaraha.
Kulanka hore oo ahaa mid qado sharaf ayaa ka dhacay dhinaca maamulka Galmudug halka kulanka kale ee ka dhacay Puntland uu ahaa mid lagu maamusay ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka cawaale taasoo u dhaxaysay kooxo matalayay labada dhinac.
Maxamuud Yaasiin Tumay iyo Xirsi Yusuf Barre oo ah gudoomiyayaasha dagmada Galkacyo ee labada dhinac ayaa ka hadlay nabadda iyo muhiimada ay leedahay is dhexgalka Bulshada.
“Waxaa loo baahanyahay inaan ka shaqayno nabadda Galkacyo kaalinta ugu wayne waa inay qaataan hawaynka,Sportska waa doorka kaliya ee abuurikara isdhexgal bulsho oo aan kala sooc lahayn”
Ururada hawaynka Puntland iyo galmudug oo qayb ka ahaa kulamada ka dhacay labada dhinac ayaa iyana ka hadlay sidii loo xoojin lahaa nabada iyo doorka ay ku leeyihiin hawaynka.
“hadaan nahay ururada hawaynka labada dhinac waxaan diyaar u nahay mar walbana u taaganahay nabada iyo xasiloonida Galkacyo waana idin garabtaaganahay hadaa tihiid masuulyiinta dagmada “
Gudooomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Agbaalow ayaa ugu dambayn Koobkii nabada gudoonsiiyay kooxdii matalaysay Galmudug oo ka guulaystay dhinaca Puntland.
“waxaan u mahadcelinayaa kooxda ka socotay Galmudug oo ku guulaysatay koobkii Nabada Galkacyo oo maantay lagu qabtay Garoonka Cawaale ee Galkacyo “
Ma’ahan markii ugu horaysay oo Galkacyo lagu qabto kulamo looga goleeyahay in dhexgalka Bulshada Galkacyo si nabad loogu soo dabaalo.