Warbixin: Dr Abdifitah, Xubin Golaha Deegaanka Gaalakcyo ah oo xalay lagu Dhaawacay Galkacyo
10 marso 2017 (Puntlandes) Dr Cabdifitaax Xasan Waloore oo ah Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalakcyo ah ayaa xalay lagu Dhaawacay magaalada Galkacyo, gaar ahaan xaafadda Gardsoor.
Dr Cabdifitaax ayaa isagoo gurigiisa isagoo maraya meel ku dhow gurigiisa waxaa weerartay Dablay hubaysan oo tiradoodu ay ahayd labo, wuuna is difaacay oo wuxuu ku hubaysnaa Bastoolad kadibna mid ka mid ahaa dhagar qabayaashii soo weearary ayuu Dr Cabdifitaax Rasaas la helay kii kale ayaa kadib dhaawacay waxaana ku dhacay labo xabadood. . Rasaastu Garabka ayay kaga dhacday, waana dhaawac fudud
Dablaydii weeartay Dr Cabdifitaax oo mid dhaawac yahay ayaa Gaari ku cararay dhinaca Xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Dr Cabdifitaax ayaa dhawiciisii fududaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Gaalkacyo, iayadoo maalmahan ay Gaalkacyo kusoo badatay Ugaarsiga Haldoorka Gobolka Mudug.
Dhacdaday ama weerarkan ayaa noqonaya kii sadexaad oo lagu qaado madaxda Gobolak Mudug haddi uu noqon lahaa Xildhibaan, Guduumíye Maxkada iyo Xubin Gole Deegaan mudd oka yar 11 maalmood, iyagoo kala ahaa sidatan:
- Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Kilwe Maxamed Aaden Seed: Waxaa weerar lagu qaaday lagu dhaawacay 27 feb 2017.
- Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan: Waxaa qarax loogu xiray baabuurkiisa lagu dhaawacay 8dii marso 2017.
- Xubin Golaha Deegaanka Gaalkaco Dr Cabdifitaax Xasan Waloore: Waxaa weerar lagu qaaday lagu dhaawacay 9dii marso 2017.
Puntlandes.com