Bam lagu weeraray caawa Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar
10 marso 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegay in bam lagu tuuray Madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle halkaa oo uu maqribnimadii caawa gaaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Bamka oo laga maqlay inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa waxaa xigay rasaas la riday hase yeehee ma jirto wax qasaare ah oo uu geystey bamkan.
Xilligii uu dhacayay bamkan ayaa la sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu kulamo la lahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hirshabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maqribnimadii caawa gaaray magaalada Jowhar kadib markii ay safar dhulka ah ugaga soo baxeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Puntlandes.com