Dr Gaas iyo Kacaamaynta, Puntland TV

Anigoo aan muddo ku siman 24 sano daawan TV afsoomaali ku hadla, ayaan bishii la soo dhaafay gatay receiver:ka Maandeeq. Waxaan aad u xiisaynayey in aan daawado barnaamijyada iyo wararka Puntland laga diyaariyo. Maalintii ugu horaysay ayaan aniga oo waqtiga ilaalinaya, ayaa isku soo aadiyey xiligii warka. Waxaan si wacan u soo hor fariistay TV:ga.  Waxaa lagu bilaabay warkii hor dhaca ahaa. Intaas  ka dib waxaa lasoo bandhigay muuqaalo iyo musiik aan aad ula yaabay,  kaas oo hordhac looga dhigay warka faahfaahintiisa. Masawirrada hordhaca ahaa wuxuu dhamaantiis kusaabsanaa Dr Gaas. Waa isagoo meel xeeb ah gacmaha taagaya, isagoo gaari ka degeya, isaga oo dad badan oo cagaar iyo caleemo ku xardhan yihiin qaba salaamaya, oo dhoola cadaynaya,  isagoo meel dhooba saaraya iyo waliba  isagoo dad u tilmaamaya meel geedo cagaaran kabaxayaan oo malaha tilmaan looga dhigayo in uu barwaaqo dadka u tilmaamayo oo waliba uu isagu horseed u yahay.

656

Markay sheeko halkaas marayso ayaan waxaan soo xusuustay TV:gii jamhuuriyadii dimuquraadiga Soomaaliyeed iyo wixii kala haystey allaha u naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre.

Anoo yaab iyo amakaag la fakaraya ayaan waxaan damcay bal in aan is barbar dhigo, wadcigii ka jiray waqtigaas Jamhuuriyadii dimuquraadiga ee uu xooga ku xukumey, xisbigii kaligiis jirka ahaa, ee ku shaqaynayey mabdi´ii ahaa ”Kacaan hanti wadaag ah” oo micnihiisu ka beddelaa sida inta badan looyaqaan ama loo fasiri karo (social revolutionary ) Midaas oo uu micnaha dhabta ah ahaa,  kaligii talisnimo, ku dhisanaa amaanida Madaxwaynaha ama ha mutaysto ama yuusan mutaysanine. Waa gartii oo meesha afgembi iyo qori caaradiis buu ku qabsaday. Erayada loogu yeeri jiray waxaa ka mid ahaa, ”Aabboow Siyaad” ”guulwadow siyaad” na daadihi” Aabbihii garashadoow i w m. Waxaa laga arki jirey derbiyada iyo jidadka  isagoo meel cagaaran oo doog ah gacanta ku taagaya,  dadkuna ay wada fiirinayaan meshaas quruxda badan ee uu ummada u tilmaamayo.

655 653 652 651

Anigoo qajilaya, oo la yaaban waxa uu Professor:kii isaga la doortay uu u jilayo Siyaad Barre  iyo amakaaga iyo ceebta kamuuqata meeshaas, ayaan waxaan is waydiiyey waxa kaloo ka suurtoobi kara. Hadiiba isaga oo aan sanad gaarin uu meel dhagax iyo boor ah ku dul dhejiyey masawir ”fake”ah  oo cagaaran iyo meel wada dhalaalaysa,  iskuna dhex sawiray, isagoo farta ku taagaya erayo ku  dhex xardhan isla meeshaas oo ay kamid yihiin  ”horumarkii Puntland oo bilawday”

Anigoo aad uga xumaaday muuqaalkaas foosha xun, ayaan is waydiiyey abooyaaloow, ma aabboow Gaas bay soo wadaan?  ileen meesha xishoodkii dhamaayeye.

654649

Oo hada haday maantoodhan ku qalaadaan aabboow Gaas, maxay isaga usoo kordhinaysaa? Ma waxaan ceeb iyo in ay umadu la yaabto oo loo arko in ay reer Puntland oo dhan guulwadayaal yihiliin. Oo aanay kala garanayn xiligii nacamlaynta iyo guulwadayntu in uu ku ekaa 91kii. Markii uu allaha u naxariistee Jaalle Siyaad ka huleelay Xamar.    Wariyayaashuse ma waxay u qabaan inuu wali jiro kacaankii barakaysnaa, Gaasna uu wakiil uga yahay Puntland. Oo hadaa, maxay tahay gacma taaglayntu?

648

Arintaas baan anoo yaaban waydiiyey qaar ka tirsan  asxaabtayda, bal in ay arkeen iyana wixii aan ku arkay Puntland TV. Inta la qoslay bay iigu jawaabeen. Oo maadan arag markuu ka baxayo, iyo markuu soo galayo Garoowe? Iyagoo sii wata ayay yiraahdeen, waxaa la xiraa iskuulada, xafiisyada shaqaalaha dawladda, suuqyada ganacsiga. Markaas baa waxaa dadka jooga carrada, la isugu geeyaa halka uu kasoo galayo magaalada. Iyagoo wata funaanado uu isagu ku sawiran yahay. Iyagoo hadalka sii wata  ayay I waydiiyeen oo ma waxaad u qabtey alalaglayntu in ay ku egtahay Puntland TV.

Waa cajiib!!!

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author