Dhagayso: Dawlada Puntland oo dadka Abaaruhu saameeyeey u qaybinaysa 12000 Booyadood oo biyo ah
11 marso (Puntlandes) Magaalada Bosaso ayaa waxay Dawlada Puntland ku Daahfurtay barnaamij dadka Abaaruhu saameeyeey loogu qaybinayo Booyado biyo ah oo tiradoodu ay tahay 12000.
Munaasabadda lagu daahfuray ayaa waxaa ka hadlay Wasiiro iyo madax kale o oka tirsan dawladda Puntland.
Dhanka kale dawalada Puntland ayaa soo bandhigtay Gaadiidkii Abaaraha loo iibiyey oo ah 6 Booyadood kuwaasoo lagu iibiyey lacagtii 150kun oo doolar ahayd ee ay dawlada Federaalku bixisay.
Gaadiidka ayaa Ganacsatadii soo iibisay waxay ku wareejisay Wasaarada Hawlaha Guud oo iyana kusii wareejisay Hay’adda Biyaha ee Puntland.
Ganacsatadii lacagta Federaalka ka timid maamushay ayaa waxay sameeyeen Xisaab celin ah sidatan:
Gaarida Booyadaha ah waxaa ku baxay lacag dhan $140,000
Matoor loogu iibiyey Ceelka Docmo, waxaa ku baxay lacag dhan $7000
Kharashad farsamo oo waxaa ku baxay lacag dhan $3000
Dhagayso Warbix uu Radio Daljir ka diyaariyey
Puntlandes.com