Mid ka mid ah Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo oo Kibir ku tootay Haweeney Ganacsato ahayd!!!
11 marso (Puntlandes) Mid ka mid ah Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta Kibir ku tootay Haweeney Ganacsato ahayd oo lagu magacaabi jiray AUN Foos Gardaro Axmed Saagil.
AUN Foos ayaa ka mid ahayd Ganacsatada Dharka ee Suuqa cusub ee Xero Dayax halkaasoo maanta lagu dilay Goobteedii Ganacsiga.
Mid ka mid ah Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa u yimid AUN Foos, wuxuuna ka dalbay inay bixiso lacag dhan 5000 SH.SO oo kaliya kadib markii uu ka heli waayyeyna madaxa ayuu wuxuu kaga dhuftay xabad sida ay warka ku heshay Warbaahinta Puntlandes.
Isla goobtii ayey ganacsato AUN Foos ku nafbaxday, waxaana wax aan la qaadan Karin ah in NAF dhan oo bini’aadan loo dilo wax ka yar 0,20 cent oo dollar.
Ma aha markii ugu horauysay lacag aad u yar ay ku dilaan Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo muwaadiniin aan waxba galansan iyagoo caado ka dhigtay inay shacabka Argagixin ku BOOBAAB.
Arintaani waa inaysan mar dambe soo noqon oo aan qof lagu dilin sidaan micno darada ah.
Puntlandes.com