Dhagayso: Waxgaradka Gobolka Nugaal ”dawladii iyo dadkii shacabka ahaaba ay na leeyihiin Garowe waa lagu shaqayn waayey….”

11 marso (Puntlandes) Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Nugaal oo ka hadlay Idaacadda Daljir xarunteeda Garoowe ayaa ku baaqay in Amniga laga shaqeeyo kuna amray Ciidankii Jid gooyada dhigtay Koontaroolka Koonfureedka ee Garowe iyagoo ku eedeeyey in gadaal laga taagan yahay Ciidanka oo lasoo abaabulay.

234-3a9

Mid ka mid ah Waxgaradka Gobolka Nugaal ee Baaqa diray oo farta ku godayey Cidda loo ceedo ee soo abaabushay Qaskaan ayaa sheegay inay Garowe ka socoto sheekadii Odaygii Islaantiisa inta Furay ay marba kusoo noqonaysay oo ay lahayd sidaa samee oo sidaas caruurta u samee….  Wuxuuna yiri ”..Ciidankaaan anagu waxaanu tuhmaynaa inuusan Mushahaar doon ahayn oo wax kalae meesha ku jiraan, reer Garowe hadaan nahay waxaan rabnaa inaan runta isku sheegno… Cidii haatan la tuhmayo oo diraysana, waxaan dareemaynaa in Ciidanka cidi hadba Kalida Far kaga mudayso Ciidanka…. Maamul baa jira Cabdiwali Maxamed Cali Gaas baa madax ka ah..waa loo igmaday oo lo dhiibtay Baarlamaan ban aDoortay hadana wax yar baaba u haray.. Magaalada Dhibaatada ha laga daayo oo shacabka dhibka ha laga daayo,,”

Waxgarad Ciise oo si hufan ula hadlaya dadka kasoo jeeda beesha Ciise Maxamamuud oo uu ka dhashay ayaa yiri ”.. anaga … waa isa sheegayaa nin Ciise Maxamuud ayaan ahay in nala ka dhigo maaha sidii Habartii la yiri waa Furay, intay soo noqoto ayey hadba waxay tiraahdaa ,,wiilkaas Caanahaan Mirsiin jirayoo, habeenkii mar baan kicin jiray, Gabantaas yar waa soo kaadisiin jiray, odaygiina yiri war orad iga tag waan ku furaye reer ka ii dhex bax,,in nalaga dhigo maaha, Raggii shalay Mas’uuliyadda soo maray baanu nahay haddii la is reereeyo, in maalin walba wax aan noo cuntamin oo laaqin noo ahayn, oo dawladii iyo dadkii shacabka ahaaba ay na leeyihiin Garowe waa lagu shaqayn waayey, CIISE MAXAMUUD lala ma shaqayn karo ….Ciise Maxamuud waxakan shaqo kuma leh  wax aan wax aqoon baa ka dambeeya, waxaan wax aqoon baa samaynaya”

Dhagayso Baaqii ay dirayeen Waxgaradka Gobolka Nugaal


Puntlandes.com

About The Author