Faahfaahin ku saabsan Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo oo labo haweena ah oo Ganacsato aha amid dilay midna dhaawacay

11 marso (Puntlandes) labo ka mid ah Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta Kibir ku toogtay labo Haween ah oo  Ganacsato ahiyadoo ay mid ka ah ay goobta ku geeryootay halka mid kalena ay dhaawacantay.

234-2c7

AUN Foos Gardaro Axmed Saagil oo ka mid ahayd Ganacsatada Dharka ee Suuqa cusub ee Xero Dayax ayaa u geeryootay Rasaastii Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo halka ay ku dhaawacantay Dhuux Yuusuf Maxamed Cali oo iyana ka mid ahayd Ganacsatada Suuqa Xero Dayax.

Labo ka mid ah Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa  u yimid AUN Foos iyo Dhuux, waxayna ka dalbeen inay bixiyaan lacag aad u yarayd oo dhan 5000 SH.SO kadib markii ay ka heli waayeena madaxa ayuu mid ka mid ah Ciidanku wuxuu kaga dhuftay xabado AUN Foos halka ay Dhuux na ku dhaawacantay oo Rasaastu kaga dhacday Gacmaha.

Isla goobtii ayey ganacsato AUN Foos ku nafbaxday, oo ahayd Hooyo korsata caruur.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in labada nin oo ka mid Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo uu mid ka mid ah horay dad kale sidaan oo kale iskaga laayey.

Ma aha markii ugu horaysay oo lacag aad u yar ay ku dilaan Ciidanka dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo muwaadiniin aan waxba galabsan iyagoo caado ka dhigtay inay shacabka Argagixin ku BOOBAAB.

Labadii nin waa lasoo qabtay waxayna iminka ku xiran yihiin jeelka, iyagoo ay tahay in cadaaladda la marsiiyo.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo inaysan falalkani mar dambe soo noqnoqon.

Puntlandes.com

About The Author