Sawirro: Ciidamo lasoo Abaabulay oo xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho si Qas loogu abuuro

12 marso (Puntlandes) Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan milatariga Soomaaliya ayna ka muuqato in lasoo ABAABULAY ayaa xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, Ciidankan ayana gaadiidka kala duwan u diiday in ay maraan wadooyinka u xiran.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo wata gaadiidka dagalaka iyo hub badan ay isugu soo baxeen Wadooyinka Muqdisho qaarkood, waxa ayna ciidankan ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan dhoor bilood lasoo daristay 12kii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidamadan ayaa xiray Wadada KM-4 ilaa Isgooska Banaadir, waxa ay sidoo kale ciidamada gaadiidkooda dagaalka iyo dhagxaan ku xireen wadooyin kale oo kuyaala magaalada Muqdisho oo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Khuburo ay la hadashay Watbaahinta Puntlandes ayaa sheegay inay arintani ay la mid tahay tii Faroole uu ka sameeyey magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, ayna Ciidanka soo abaabuleen Kooxda Damul Jadiid ee Xasan Sheekh iyagoo ka leh Qaskan iyo Qalalaasahan dano Siyaasadeed oo u gaar ah

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada ayaa isku sii fidinaya wadooyin kale oo kuyaala magalada Muqdisho ay xirayaan, waxaana jirta cabsi ay dadka ka qabaan in ciidanka gadoodsan ay waxyeelo u geestaan dadka iyo goobaha ganacsi.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin gadoodkan ay sameeyeen ciidankan, waana markii ugu horeesay oo gadood sidan ah laga sameeyo magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa wax iska cad ah in dano Qalalaase lagu abuurayo ay ka dambayso in iyadoo aan wali dawladii la dhisin in Wadooyin Muqdisho lagu xiro Mushahaar ay bixin wayday dawladii Xasan Sheekh madaxweynaha ka ahaa.
234-4

234-4a

234-4a1

234-4a2

234-4a3

Puntlandes.com

About The Author