Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Britain Boris Johnson oo Muqdisho soo gaaray

15 mars 2017 (Puntlandes) Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa goor dhawayd soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uuna hada ku sugan yahay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

12

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Boris Johnson, waxaana la filayaa in goordhaw kulamo la qaato madax ugu saraysa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Socdaalka uu saakay ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa sidoo kale salka ku hewysa sidii uu Madxada Dowlada Soomaaliya ugu casuumi lahaa shir bisha may lagu qabanayo London oo looga hadlayo arimaha Somalia.

Puntlandes.com

About The Author