Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK oo Muqdisho kula kulmay Qaar ka mid ah Madaxda maamulada kuna martiqaaday Shirka London
15 mars 2017 (Puntlandes) Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Boris Johnson oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Madaxda qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka, sida Madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taal xerada Xalane ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha, Amniga iyo sidii UK dhinacyada horumarinta iyo kaalmada bani’aadanimo ee deegaanada maamul goboleedyada uga qeyb qaadan laheyd.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Ingriiska Boris Johnson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynayaasha maamulada dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo maamulada dalka ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.
Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Boris ayaa si rasmi ah ugu casuumay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, shirkaasi oo ka dhici doona bisha Maj ee fooda inagu soo haysa.
Puntlandes.com