XOG: Fahad Yasin oo Wasiirkii uu ku taamayey Gaystay Jama A/lahi Caydiid
18 marso 2017 (Puntlandes) Fahad Yasin oo iminka ah ninka ugu saamaynta badan Villa Soamalia maadaama uu ka dambeeyey inuu madaxweynaha JFS ku guulaysto Maxamed Cabdulaahi Mamamed Farmaajo.
Fahad ayaa wuxuu ku guuldaraystay inuu noqdo Wasiirkii uu ku taamayey, sababtoo ah Gudoomiye kuxigeen 1aad ee Golaha Shacabka Baarlaamnka JFS ayaa waaxaa ku fadhiya Mr Muudeey oo ay isku beel yihiin Fahad.
Hadaba Warbaahinta Puntlandes oo baaritaan ku samaysay hankii ama rabitaankii Fahad Yasin meesha uu ku dambeeyey ayaa ogaatay inuusan Fahad wali ka tanaasulin inuu si madax banaan u maamulo Wasaarada uu ”Caashaqay” ee Boostada iyo Isgaarsiinta taasoo la filayo in loo dhiibo Jaamac Cabdulaahi Caydiid.
Warbaahinta Puntlandes ayaa baaritaanka ku ogaatay in Fahad uu aad u doonayey inuu mar gacanta ku dhigo ISGAARSIINTA Soomaaaliya, isagoo ku haminaya inuu Dhabarka ka jabiyo labada Shirkadood ee Isgaarsiinta Soomaaliya ugu waawayn kuwaas oo kala ah HORMUUD iyo SOMTEL iyo faracyadooda ay ku leeyihiin daafaha Soomaaliya.
Fahad ayaa loo aanaynaa inuu ka hor istaagi doono inuu ka mid noqdo Golaha wasiirada Cusub ee dawlada Federaalka Soomaaliya Aqoonyahan Cabdiraxmaaan Mamamed Cabdi Xaashi oo wax badan ku soo kordhin lahaa dawladnimada iyo dawalad dhisida Soomaaliya maadaama uu yahay nin leh Karti Hogaamineed una soo shaqeeyey Haya’addo caalami ah oo ay ka mid tahay IMF (Haya’adda Lacagta Aduunka) oo uu Sargaal Sare kasoo noqday.
Fahad ayaa waxaa meel u yaal inuu meesha ka saaro ama wiiqo Ganacsiga Shirkaha ISGAARSIINTA.
Waxaa la malaynayaa inuu Fahad ku guulaysan doono RIYADIISII taasoo ahayd in uu gacan buuxda ku qabto Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo wixii la xiriira, Wasiirka la filayo in loo magacaabo Wasaaradan waxa uu noqonayaa BOOS CELISKA halka Fahad na uu ka noqonayo Wasiirka Rasmiga ah.
Halkaan hoose ka akhriso Xogo iyo maqaalo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay magacaabitaanka golaha wasiirada cusub iyo Carqabadaha ku hor gudban:
XOG: Golaha Wasiiradda Cusub ee DFS oo laga yaabo inay waayaan Kalsoonida Xildhibaanada
Dhagayso-Faaqidaada VOA: Golaha Wasiirada ee Lasoo Dhisayo & Carqabadaha horyaala (XASAASI)
Warbixin: Wararkii ugu dambeeyay ee xaalado cakiran oo ka jira magacaabida Golaha Wasiirada
Puntlandes.com