Dhagayso: Agaasimayaha hay’adda la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya “waa Sharci Ruqsada Kalluumaysi ee ay bixisay dawlada Puntland..”

22 marso 2017 (Puntlandes) Agaasimayaha hay’adda la dagaalanka Burcad Badeeda dawladda Federaalka Soomaaliya Prof. Muxiyadiin Cali Yusuf (Farbuur) oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inay dawladda Federaalka Soomaalaiya iyo Puntland ay wada shaqaynayaan isku midna yihiin.

234-5c6

Agaasime Prof. Muxiyadiin  oo ka hadlaya eeda aan salka lahayn ee ay soo jeediiyaan dadka danaha gaar ah ka leh ayaa yiri “waa Sharci Ruqsada Kalluumaysi ee ay bixisay dawlada Puntland..waana isku mid Federaalka iyo Puntland”

Prof. Muxiyadiin ayaa farta ku fiiqay inuusan dhibka jira ahayn Ruqsadda ay Dawladda Puntland bixisay ee kooban ee uu dhibku yahay Maraakiib fara badan oo dad Soomaali ahi ay soo Horgaleen oo ka buuxa badda una kalluumaysanaya sifo sharci daro ah.

Hadalka  Agaasimayaha hay’adda la dagaalanka Burcad Badeeda dawladda Federaalka Soomaaliya Prof. Muxiyadiin ayaa meesha ka saaraya qaybo iyo Boor isku qarin ay wadeen kuwa Maraakiinta JARIIFKA baddeena kusoo hogaamiyey oo ku eedaynayey dawlad Puntland inay Ruqsad sharci daro ah bixisay.

Dhagayso waraysiga ay VOA la yeeyalay Prof Mixiyadiin


Puntlandes.com

About The Author