Wasiika 1aad oo xilka ka qaaday Wasiirkii Cadaalada iyo Garsoonka Faarax Cabdiqaadir

664

Wasiirka1aad DFS Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa xilka ka xayuubiyey Wasiirkii Cadaalada iyo Garsoonka Faarax Cabdiqaadir ka dib digreeto Xafiiskiisa maanta oo Sabti ah kasoo baxday. Faarax Cabdiqaadir ayaa lagu sheegay qoraalka Cabdiwali Shiikh Axmed in loo warejiyey wasiirka xanaanadda xoolaha halka  booskiisana loomagacaabay Wasiirkii Xanaanadda Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow.

663

Bedalka lagu sameeyay Wasiirkii ugu awooda badnaa Wasiirada DFS Faarax Cabdiqaadir ayaa kusoo aadaysa xili ay isi soo tarayso walaaca garsoonka DFS iyadoo lagu eedeeyay howsha uu wado inuu soo faro gashtay howl ka madax banaan isaga.

Isku shaandhaynta uu sameeyay wasiirka koowaad ee Somalia ayaa waxaa saaka warbaahinta DFS ka akhriyay wasiirka warfaafinta Mustafe Sh.Dhuxulow waxayna u qornayd sida tan.

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow.

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir.

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa.

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur.

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow.

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad.

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

Puntlandes.com

About The Author