Akhriso qoraal uu Gud. Jawaari u diray Ra’iisal Wasaare Khayre ugana dalbaday inuu dib u eego Golaha Wasiirada
25 marso 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari ayaa qoraal uu u direy ra’iisal wasaare dawladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu ka dalbaday in uu dib ugu laabto golihiisa wasiirada kahor inta aysan ka dhamaan xilliga la horgeynayo Baarlamaanka.
Qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Puntlandes.com ayaa waxaa ku lifaaqan qoraal ay 104 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kuwaasoo ku dhaliilay ra’iial wasaare Kheyre inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5.