MAQAAL: DAWLAD XAYN DAAB KU JIRTA IYO SHACAN XALDOON AH
Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha. Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxaa aad u socday doodo xiiso badan iyo aragtiyo kala duwan oo ku aadan golaha xukuumada cusub ee uu soo magacaabi doono RW Khayre. Dad badan oo aan ku jiro waxay qabeen in RW hu soo magacaabi doono gole wasiiro kooban oo tayo leh, ummada Soomaaliyeedna ku qanci karto ayna u arkaan xulasho shaqsiyeed ee ka yimid RW ha oo kaliya oo aan lahayn wax faragelin ah oo ka timid meelo kale.
Aamin darada iyo dawlad la’aanta wadanka ka jirta waxay sabab tay in madaxda sar sare ee wadanku aysan helin xiriir iyo isdhexgal iyaga iyo shacab waynaha Soomaaliyeed, halkaasna ay ku galaan go’doon iyo xayndaab.
Waxaa dhici jirtay oo aan horay u baranay, hadana nasiib daro muuqata, in dadka ku xayn daaban madaxtooyada, awoodna u leh inay la kulmaan madaxda sar sare ee dawlada ay yihiin intooda badan kuwo leh dano gaar ah ; ha noqdeen oday dhaqameedyo aragtidoodu iyo fikirkoodu ku salaysan yahay qabiil; shaqsiyaad xil doon ah; ganacsato dad gaar ah u ol ololaynaya; xubno baarlamaan iyo wadamo shisheeye.
Magacaabidii RW ha ka dib, toban kii bari ee ugu horaysay waxaa muuqatay kalsooni, niyad sami iyo rajo badan oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed oo ahayd in RW Khayre soo magacaabi doono dawlad ku salaysan 4.5 ka xaaraanta ah laakiin ka madax banana oday dhaqameedyo iyo siyaasad qabyaaladaysan; xubnaha baarlamaanka iyo rabitaankooda; ganacsatada iyo xubnaha xildoonka ah; iyo dhamaan faragelin shisheeye.
Nasiib daro se waxaa 10 kii bari ee u dambeeyay soo shaac baxaysay in siyaasadii ku noqotay meesheedii hore, ayna ku adkaatay iyo RW iyo madaxwaynuhu gaaraan go’aan madax banana oo ay ku so xulanayaan golaha wasiirada.
Waxaa runtii ah wax aad loogu farxo in aragtiyada, doodaha iyo falan qaynta shacabku magacawga xukuumada ka hor iyo ka dib ba ku salaysnaayeen tirada wasaaradaha; tayada , aqoonta iyo xilkasnimada wasiirada; iyo madax banaanida go’aanka RW iyo Madaxwaynaha. Waxaa muuqata in shacabku gaaray bisayl siyaasadeed ayna diyaar u yihiin inay ka guuraan qabyaalada iyo siyaasada qabiilaysan.
Waxaa cad in RW Khayre iyo madaxwayne Farmaajo lumiyeen fursad dahabi ah. Waxay haysteen awood buuxda iyo taageero badan oo ay ku soo dhisi kareen dawlad tayo leh oo ka turjumaysa isbadalkii iyo balan qaadkii laga sugayay. Waxaa muuqata in ay si dhakhso ah ugu turaan turoodeen siyaasadii, ayna iyagu iska dhaliyeen goolkii ugu horeeyay, kaasoo runtii dhaawac aan yarayn u gaystay hankii, rajadii iyo helitaankii dawladnimo ku salaysan midnimo, Soomaalinimo iyo waaqici. Saadaashu ma fiicna, laakiin waxaan rajaynayaa in ay si dhaqsa ah uga leexdaan wadadan khaldan ee bilowga ah, lana yimaadaan qorshe kan ka duwan si ay dib ugu soo ceshtaan kalsoonidii shacab waynaha Soomaaliyeed.
Si aan dib ugu dhisno qaran keenii dumay, oo aan u helno dawladnimo iyo maamul wanaagsan, waxaa u baahanahay inaan helno dhowrkaan qodob ee soo socda ee aas aas u ah qaranimo iyo maamul wanaag.
QARANIMO IYO WADANIYAD
Qaranimada iyo wadaniyadu runtii maahan wax loo dhaso ama lagu dhasho, ee waa wax dadka la baro oo lagu abuuro. Waxay ka timaadaa isdhexgalka bulshada, wax wada lahaanshaha, wadaaga dhaqanka, afka iyo diidnta iyo dad leh aragti midaysan. Waa inaynu helnaa dawlad iyo hogaamiyayal dadka bara oo ku abuura qaranimo iyo wadaniyad. Hadaba si taas lo helo, waa in qaranimada iyo wadaniyadu ka muuqataa hogaamiyayaasha iyo dawladaba, dhab na ka tahay.
Hadii aan marka in yar isdul taago dawlada cusub iyo golaha wasiiradeeda, kow dawlad ka kooban 66 wasiir ma aha mid waaqici ah oo uu qaadi karo wadan sabool ah, colaad iyo amni xumo ku jira, isla markaana lahayn ilo dhaqaale iyo wax soosaar. Dawladani marka waxay u muuqataa mid dhaawacaysa qaranimadii maadaama dawlada cusubi tahay mid uusan wadanku qaadi Karin, lidna ku ah danaha iyo isbadalka lagu doonayo dawladnimo dhab ah.
Tan labaad hadaan fiirino qaabka wasaarada lo googooyay, waxaa soo baxaya in shaxdu ahayd sidii loo heli lahaa wasiiro badan si loo qanciyo qabiilooyin iyo shaqsiyaad gaar ah. Arinkaani wuxuu si cad uga hor imaanayaa haybtii la rabay inaynu yeelano ee ahayd Soomaalinimada iyo hiigsiga qaranimo si aa aan uga guurno qabiilka iyo siyaasada qabyaaladaysan.
Tan sadexaad, in badan oo ka mid ah golaha wasiirada cusub waa dad la soo shaqeeyay dawladii hore aadna ugu dhawaa, dabcan waa dad Soomaali ah, xaqbayna u leeyihiin inay wax ka qabtaan hogaan ka dalka, laakiin waxaa muuqata in magacaabistu ku warwareegayso in yar oo istaqaan taasoo keeni karta inaan la helin horumar iyo isbadal muuqda midna.
Suaashaydu waxay tahay goormaynu ka gudbaynaa inaynu markasta ku qanacno hadaan qabiilku siduu rabo loo yeelin dawlad lama dhisi karo? Hadiise qabiilka loo yeelo suu rabo, suurto gal ma tahay inaynu qaranimo helno?
HOGAAN IYO SHACAB ISKU XIRAN
Waxaa muhiim ah in hogaamiyayaashu hanan karaan kalsoonida shacabka. Kalsoonida shacabka waxaa dhaliya hogaamiyayaal dhaqan suuban, aragti dheer, waxqabad iyo hadal wanaag leh, kalsoono iyo go’aan adag leh isla markaana si caqliyaysan oo cilmi ku dhisan shacabka uga dhaadhicin kara barnaamijyada iyo qorshayaasha dawlada kuwaasoo shacabku ku qanco inay yihiin xalka dhab ta ah ee loo ga bixi lahaa dhibaatooyinka ina haligay laguna gaari lahaa horumar.
Runtii ummada Soomaaliyeed aad iyo aad bay u soo dhaweeyeen una tuseen kalsooni buuxda madaxwaynaha iyo RW ha, kuna qanceen hadaladoodii iyo dhaqankoodii laakiin waxaa muuqata in ficilkoodii, dawladoodii iyo barnaamijkoodii koowaad uu noqday mid aad iyo aad uga hooseeya rajadii iyo kalsoonidii ay shacab ku u muujiyeen, ayna madaxwaynaha iyo RW ha ku adkaan doonto inay si sahlan ula soo laabtaan kalsoonidaas.
SHACABKA
Dawladu ma ahan mid leh dhaqaale iyo ilo wax soosaar, ciidan iyo awood ay wadanka ku xasiliyaan, saaxiibo wanaagsan oo diyaar u ah inay siiyaan taageero siyaasadeed iyo dhaqaale. Hantida iyo awooda kaliya ee ay heli karto waa inay si buuxda u kasbataa kalsoonida shacabka. Runtii dawladaan wasiiro badan waxay noqotay mid ka dagi wayday cunaha shacabka Soomaaliyeed waxayna abuurtay waji gabax iyo candhuuftaada dib u liq.
XALINTA IYO MAARAYNTA CAQABADAHA IYO DHIBTA
Shacabku waa inay yihiin kuwo aamin san in madaxda dawladu yihiin dad si hoose u fahamsan dhibaatooyinka dadka iyo dalka ragaadshay, ayna awood u leeyihiin inay u heli karaan xal waara oo ka gadmi kara shacabka. Waa in shacabku u qancaa qaabka iyo habka ay dawladu u xalinayso dhibaatooyinka dalka ka jira iyo kala hormarinta iyo xalinta dhibaatooyinka badan ee dalka ka jira.
Dawladaan wasiiro badan ee dhaqaale ahaan uusan dalku qaadi Karin, aragti ahaana aysan ka muuqan midnimo iyo Soomaalinimo midna, waxay tilmaamaysaa in madaxda sare aysan si dhab ah u fahamsanayn dhibaatooyinka wadan ka ka jira ama aysan diyaar u aheen inay wajahaan dhibka ka jira dalka oo u baahan naf hurnimo iyo hal adayg.
GUNNANAD
Waxaad moodaa Soomali hadaynu nahay in aan xeel dheere ku noqonay sida wax loo dhoob dhoobo. Waxaan aaminay oo iska dhaadhicinay in siyaasadu tahay in khiyaaligu yahay macquul(caqli gal), macquulkiina yahay khiyaali(riyo). Waxaan hal hays ka dhiganay “Xaq maahee waa xal”. Waxaan arki jiray qabiilo inta shir qabsada, oo TV u yeerta yiraahda anagu dawlada kalsoonidi waa kala noqonay waayo waxaa nala ka qadiyay wasiiradii ama wasiir tun wayn na lama siin. Waxaa Iyana qosol iyo majaajilo ah in isla qabiilkii uu shirkiisa ku gunaanadayo erayo waawayn oo xusuus iyo qadarin mudan “Soomaaliyay toosoo toosoo isku tiirsadayeey ……”.
Waxay aniga ila tahay inaan u baahanahay dhowr wasaaradood oo kooban oo aan u tixi doono say u kala muhiim san yihiin.
- Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Hanuuninta Dadwaynaha
- Arimaha Gudaha
- Gaashaandhiga
- Waxbarashada
- Dhaqaalaha
- Khayraadka
- Arimaha Bulshada
- Arimaha dibada
Wasaarada Warfaafinta , Wacyi galinta iyo Hanuuninta dadwaynuhu waa inay noqotaa wasaarada ugu shaqada iyo dakhliga badan si loo raadiyo, dhiiro galiyo, loona abuuro shacab ku midaysan qaranimo iyo Somaalinimo. Wasaaradu waa inay xiriir toos ah la yeelato dhamaan qaybaha bulshada sida haweenka, dhalin yarada, ardada, culumaa’udiinka, suugaan yahanada, qoraayaasha iyo hogaamiyayaasha dalka si loo abuuro erayo cusub, suugaan cusub, hal kudhagyo cusub, jawi cusub iyo Soomaalinimo iyo wadaniyad cusub. Hadaynaan helin ummad midaysan oo Soomaalinimo ku midaysan, lagama yaabo inaynu helno kala dambayn, amni iyo cudud ciidan.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Waxaa muhiim ah in xafiisyada madaxwaynaha iyo kan RW huba noqdaan kuwo ay ka muuqdaan haykal dawladnimo, shaqo qaran oo muujinaysa sida madaxdu ugu hawlan tahay xal u helka mashaakilaadka wadanka, ee aysan noqon goob lagu shiro, xaruna u noqota wasiirada, xildhibaanada, taliyayaasha ciidamada, oday dhaqameed yada iyo shaqsiyaalka xil doon ka ah.
Waxaa runtii muuqda oo cad in madaxwaynaha iyo RW ha ay taladii ka hoos baxday. Nasiib wanaagse wali shacabka rajadiisii ma baabi’in in kastoo ay yaraatay, waxayna wali aamin sanyihiin in ay mar kale haystaan fursad ay kula imaan karaan isbadal dhab ah.
Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay-talaabada labaad ee madaxwaynaha iyo RW hu qaadi doonaan ma waxay noqonaysaa mid dib u soo noolayn doonta rajadii iyo kalsoonidii aan qabnay oo ahayd in waa cusub noo baryay mise waxaan dib u qaadi doonaa wadadii hore oo ku biyo shuban doonta maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay Ritiba Ritiga ka horeeya saan qaadkiisuu yeeshaa.
W/Q: Abdi kani A Khalif