Bayaan: Beesha Mudulood oo Sheegatay Caasimadii Hore ee Somalia

Beesha Mudullood oo soo saartay Bayaan ka dhan ah Caasimadnimada Muqdisho

Beesha Mudullood ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso waxa ay iyadu ranto iyo lahaanshaha Caasimadii hore ee Somalia Muqdisho. Siada ay Beesha la tahay oo ay u rabto federaalaynta dalka Somalia, iyadoo sheegtay wal wal ay ka qabto sida wax u socdaan oo la fulinayo dano neel gaar ah.

Hadaba Bayaanka ka soo baxay Beesha Mudullood ayaa sidan u qornaa:

Bayaan ka dhan ah Mustaqbalka Muqdisho ee 2016

 Muqdishu, October 2014

Anaga oo mataleyna Beesha Mudulood oo ka kooban; Hawenka, Dhalinyarada, Ardayda, Ganacsatada, ururada arimaha bulshada iyo hogaamiyaasha dhaqanka iyo waliba culuma’udiinka waxan soo dhaweneyna geedi-socodka iyo horumarka ay Dowlada ka gaartay dib u soo-noleynta hanaanka dowladnino iyo dhameynta colaadaha sokeeye ee dhiiga badan ku daatay iyo caddaalad xumadi soo socotay dhowr iyo labaatanki sano ee la soo dhaafay.

 

Inkasto geedi-socodkan uu la soo kulmay walina ay horyaalaan caqabado fara badan, waxaan u aragnaa mid horey u socda oo waliba joogto ah. Waxan aaminsanahay in aan ku hadleyno codka dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan markii aan dhahno hadafkeena ugu weyn waa in la helaa nabad iyo xasilooni WAARTA iyo waliba dimoqaraadiyad wanaagsan. Waxaana ku hanweynahay in midda ugu danbeysa oo ah dimoqaraadiyada ay ka dhacdo Soomaaliya gudaheeda ka dib in ku dhow rubuc qarni.

 

Waxaan aad uu fahansannahay muhiimada ay leedaay in la meelmariyo lana soo af-jaro xaalada siyaasadeed ee uu xiligan wadanka ku suganyahay laguna soo gunaanado doorashooyin xor ah (hal qof hal cod) iyado laga foganayo wax kasta oo keeni kara xaalad kacsan iyo degenasho la’aan. Sidaa daraadeed, waxaan rabnaa in aan halkan ku muujino welwelka weyn ee aan ka qabno arimaha hoos ku xusan:

 

  1. Geedi socodka arimaha Federaalka oo la marin habaabiyay

 

Sida ay hadda wax u socdan, waxaa cad in qorshaha Federalka ee Dowlada wado ee qeyb weyn ku leedahay Beesha Caalamka. Waxaan ka welwelsannahay habka loo dhaqan gelinayo Federaalka iyo asagoo noo muuqda mid lagu deg-degay. waana mid aan hindisadaheeda laga so bilaabin shacabka, oo laga wado kor, ama mid ee madaxda iyo siyasiinta keliya wadaan, mana aha mid haysta taageerada inta badan bulshada Soomaaliyeed. Midda kale, sida ay hadda wax u socdaan waxaan is leenahay waxaa taageersan oo hirgilintiisa ku dadaalaya oo kaliya inyar oo leh dano gaar ah (mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale).

 

Geedi socodka dhisida hanaan Dowladeed oo ku saleysan habka Federaalka waa in uu ka soo bilowdaa hoos lagana qeyb geliyaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida bulshada deegaanada loo sameynayo nidaamka iyo ururada ka shaqeya arimaha bulshada. Sidaa daraadeed, waa in ay beesha caalamku taageertaa hab ku saleysan wada jir, wada hadal iyo dib u heshisiin. Taa caksigeeda, ma ahan in geedi socodka dhisitaanka nidaamka Federaaliga u noqdo mid kor laga keenay, mana ahan in lagu deg dego dhaqan gelintiisa iyadoo la adeegsanayo quwado shisheeye.

 

 

  1. Doorasho xur iyo xalaal ah

 

Dadaalada la wado waa in ay ku jiheesnaadaan in degaanada Soomaaliyeed lagu qabto doorashooyin xor ah iyadoo laga siinaayodeegaan kasta kuraasta Barlaamanka cadadka uu xaq uu leeyahay.Balse, inta aan taas la gaarin waa in la helaa tirokoob leysku raacsanyahay ee ku aadan tirada dadka ku nool deegaanada ay doorashadu ka dheceyso si loo xaqiijiyo tirada kaga soo aadeyso fadhiyada Barlamaanka. Waana sida kor ku xusan si xalaal ah oona fudud in lagu gaaro nidaam Federaal ah oo shaqeyna kara intii la abuuri lahaa dhibaatooyin iyo isku dhacyo hor leh oo wiiqa dadaalka dib loogu soo celinaayo Dowladnimadii Soomaaliyeed.

 

  1. Aayaha Moqdisho,

Si loogu qeexo qaab dhismeedka Federaalka dhexsdiisa aayaha magaalda Muqdisho, waa in xukuumada Federaalka ay ka gudubtaa balan qaadyada iyo ku cel celinta maran ee ay aqoonsataa in bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ama gobolka Benaadir ay leeyihiin xuquuqo cad cad oo ay ugu weyntahay in ay aayahooda go’aansan karaan. Waa in ay xukuumada ka jawaabta baaqyada ku aadan in Muqdisho/Benaadir ay ka mid noqoto gobolada loo sameynayo maamul ku saleysan nidaamka Federaaliga ah, waana in aan leyska dhego tirin baaqyadan oo la hergeliyaa sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo laga tusaale qaadanaayo geedi socodka hadda ka socdo Soomaaliya oo dhan, kaasoo lagu unkayo maamulo Federaali ah.

Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah, waa in la abuura degma federaal ah oo ku dhex taalo magaaladda Muqdisho..Tani waxey suurto gelineysaa in la ilaaliyo taariikhda iyo siyaasada soo jireenka ah ee ay Muqdisho/Benaadir leedahay. Waxaana ka soo horjeesaneynaa iskuu day kasto oo ka hor imaanaya ama xadidaya ama xakhiraya xuquuqda deegaaneed, siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay leedahay magaalada Muqdisho. Isku dayada hadda socdo ee aan ka soo horjeedno waxaa ka mid ah, in gobolka Benaadir gebi-ahaantiisa laga dhigo loona tix geliyo caasimad ahaan hoos imaanaya Dowlada dhexe een Federaalka. Waxan aaminsannahay haddii la qaato nidaamkan in la dhaqan gelinaayo siyaasad qaawan oo qabyaalad salka ku haysa iyo in la isku dayaayo in la daboolo xuquuqda dad iyo deegaaneed midda siyaasadeed iyo muhiimada dhaqaale ee ay Muqdisho u leedahay dadka dagan.

  1. Dowlad goboleedyada ku saleysan nidaamka Federaaliga ah

Waxaan welwel aad u weyn ka qabnaa Dowlad goboleedka gobolada dhexe ee ay dhawaan ku dhawaaqday in ay hergelineyso Dowlada Federaalka iyado kaashaneysa saaxiibaded haddii ay ahaan lahaayeen kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu si cad u qeexayaa in Dowlad goboleed kasta oo ka mid ah Federaalka ay ka koobnaato labo gobol iyo tiro ka badan. Laakin sida hadda ka socoto meelaha qaar sida gobolka Mudug oo la qorshenayo in beel qura ay maamul dhistaan waa mid xad gudub ku ah Dastuurka waxeyna saameeyn weyn oo siyaasadeed ku yeelan kartaa goboloda dalka qaar ka mid ah sida gobolada Shabeelada hoose/dhexe iyo Hiiraan. Dowlada Federaalka ah waa inaney ku dhex lifaaqin waxyaabo qaldan Dastuurka dhexdiisa iyadoo raali gelineysa qolo ama gobolo gaar ah. Dhaqanka siyaasadeed ee ku xad gudbaya sida hadda uu Dastuurka ku meel gaarka ahi u qoran yahay waxey saameyn xun ku yeelaneysaa in la dhiso nidaam ku dhisan sharciga. Waxey Soomaaliya ka dhalin doontaa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo kacdoon shacbi. Sidaa daraadeed, waa in habka loo aas-aasayo nimaadka Federaaliga ah uu ahaadaa mid xalaal ah si isku mid ahna looga hergeliyaa dhammaan deegaanada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, waxan halkan ka muujineynaa welwelka aan ka qabno dhisida dhawaan la damacsanyahay in lagu dhiso maamul goboleed laysku daraayo Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan. Sababta oo ah, habkan ma ahan mid dadka u cad iyadoo dadka badankii ay ku kala ra’yi duwan yihiin in laysku daro labo gobol oo aan laheyn xiriir taariikhi ah oo fog marka loo barbar dhigo xariirka dhaqameed iyo midda dhaqaale ee ay Shabeelada Dhexe la leedahay Gobolka Shabeelada hoose oo kale. Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedineynaa Dowlada iyo beesha caalamkaba aaney ku deg degin oo aaney kala qeybin deegaanada Soomaaliyeed iyagoo eegaya oo kaliya wixii ula muuqda in ay israaci karaan Qariidad ahaan ama ay u arkaan in ay macquul tahay marka ay kor taagan yihiin miiska naqshadeynta iyagoo aan tixgelineynin xiriirka taarikheed iyo midda siyaaso-dhaqaale ee ka dhexeya deegaanda dalka.

 

  1. Nabadgelyada

Xaaalada amaan ee ka jirta Soomaaliya waa mid laciif ah walina waxaa jira xaalado amni daro meelaha qaar gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho. Sidoo kale, meelaha dhawaan Dowlada gacanteeda soo galay dadka ku dhaqan waxey la kulmaan cabsi iyo khatar xagga amaanka ah. Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha amaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay sugaan nabadgelyada dadka suurtogeliyaana in dadka ku dhaqan degaanadan ay qeyb ka qaataan sugida iyo jiritaanka nabadgelyada. Tani macnaheedu waa in ay hay’adaha nabadgelyada ku shaqada leh ay ku dadaalaan sidii ay wada shaqeyn u dhex mari laheyd Dowlada iyo dadka Soomaaliyeed iyagoo xaqiiijinaya in ay la xisaabtamaan cid kastaa oo khal-khal gelineysa amaanka si loo soo celiyo kalsoonidi ay shacabka ku qabeen xukuumadooda.

Waxaan kaloo rabnaa in aan fursadan uga faa’iideysano in aan si weyn u dhaleeceyno dhammaan kuwa ka tirsan xoogaga amaanka iyo ciidamada AMISOM ee u geysanaya kufsiga iyo xad gudubyada haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Arrimahan waa kuwo aan loo dulqaadan Karin. Waxaana ugu baaqeynaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo waliba beesha caalamka in ay mudnaan gaar ah siiyaan arinkan ayna qaataan talaabooyinka ku haboon sidii loo joojin lahaa falalkan foosha xun.

Gabagabada iyo gunaanadka

Baaqenaan waa mid fudud oo ka kooban:

1) in la xaqijiyo geedi-socodka lagu hirgelinayo nidaamka Federaalka in uu ku saleysanaado xaqiiqda dhabta ah  iyo in uu ahaadaa mid ay qeyb weyn ku yeeshaan dadka Soomaaliyeed uusan noqon mid kor laga keenay,

2) in la gaaro doorasho xur ah iyadoo la sameynayo tiro koob rasmi ah si loo xaqiijiyo awood qeybsi xalaal ah,

3) in si cad loo kala saaro Villa Soomaaliya (oo loo tixgelinayo xarun ay maamusho Dowlada Federaalka) iyo gobolka Benaadir intiisa kale si loo xaqiijiyo in dadka degan gobolkan ay helaan xuquuq la mid ah kuwa ay helayaan dadka kale ayna u helaan qeybta kaga aadan geedi-socodka dhisida nidaamka federaaliga ah,

4) Dowlad goboleedyada la unkaayo waa in ay ku saleysnaadaan taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa dastuurkana uu aas-aas u ahaadaa,

5) waa in la xoojiyaa xaalada amaan iyadoo la kaashanaayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan intan aan kor ku soo xusnay waa in lagu gaaraa wada tashi iyo is-xaq dowr iyo waliba kalsoonida shacabka. Nidaamka Federaalka waa in loo unkaa hab keeni kara nabadgalyo iyo xasilooni waarta si loo xaqiijiyo loona soo celiyo rajooyinka, riyooyinka iyo hamiga dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Xigasho:jowhar.com

Daabacaad: Puntlandes.com

About The Author