Warbixin iyo faalo:Ra’iisul Wasaaraha DFS oo guushii ugu muhiimsanayd gaaray

Madaxweynaha DFS Xasan Culusoow iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa xalay isku mari waayay, kulan ay ka yeesheen isku shaandheyn kooban oo uu Ra’iisul Wasaaruhu qorshaystay inuu sameeyo, iyadoo Xasan Culusoow uu ka biya diidanaa in lagu bedelo wasiirka ugu awooda badan DFS Faarax cabdulqaadir.

139

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Puntlandes ayaa xaqiijiyey in labada Mas’uul ay fadhiga ku kala kaceen, kadib markii Xasan Culusoow diiday in booska laga bedelo Wasiir faarax taasoo uu ku adkaystay  Ra’iisul Wasaaraha cabdiwali in uu bedelayo Faarax

Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu ku dooday in aan la samayn isku shaandheyn ka hor shirka Copenhagen ee dalka Denmark ka dhici doona dhowaan. Shirka ka dibna la sameeyo mid uu rabay in uu meesha uga saaro Wasiirada qaar taasoo uu ka diiday Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyey isku shaandheyntii uu qorsheeyey halkaas oo uu daaqada ka saaray Wasiirkii kaliya ee ugu awooda badnaa ee uu ku tiirsanaa Xasan Culusoow Faarax cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii hore daaqada ka saaray Wasiirkii Arimaha Gudaha Awooda badnaa Cabdikariin Guuleed. Waqti yar ka dibna wuxuu isna daaqada ka saaray Agaasimihii Ha’ada nabadsugida Sanbaloolshe oo marka Abti u ahaa madaxweyne Xasan Culusoow marna ahaa Gacantiisa Midig. Xasan Culusoow ayaa Isku day aan u suurta gelin damcay in uu difaaco Sanbaloolshe laakiin waa ku guuldaraystay maadaama uu Ra’iisul Wasaaraha Cabdiwali ciyaaryta uu Ciyaarayaa ay tahay mid aan sahal ahayn.

Maanta ayaa seefta Ra’iisul Wasaaraha Cabdiwali la tagtay Faarax cabdulqaadir oo ahaa Wasiirka kaliya oo uu ku tiirsanaa ama isku halaynayey. Faarax ayaa istuay in uu dalka siduu rabo ka yeeli karo isagoo si aan waafaqsanayn sharcigii lagu heshiiyey isku hoos keenay garsoorkii dalka oo ahaa Ha’ad madaxbanaan. Wuxuu hore u magacaabay Gudi bilaa Sharci ah oo uu ugu eegay ”Gudiga dib u eegida Dastuurka”.

Hadana waxaa u qorshaysnayd in uu magacaabo Gudiyo uusan sharciyad u haysan in uu magacaabo isagoo taageero ka haystay Xasan Culusoow. Waxaana ka mid ah Gudiga Xadaynta soohdimaha oo aad muhiim u ah iyo Gudiyo kale oo badan.

Maanta waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu soo afjaray Sharcidaradii dalka lagu maamulayey iyo baalmarkii wixii ummadda Soamiliyed. Waana guul u soo hoyatay inta rabta in dalkani ka baxo dhibka uu ku jiro noqdana dal la mid ah ama la jaanqaada caalamka.

 Puntlandes.com

 

About The Author