Madaxweyne Cosoble oo sheegay inay dib u qiimeyn ku sameynayo cilaaqaadka uu la leeyahay dowlada federalka Soomaaliya
28 Marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay xuquuqdii maamul goboleedka Hirshabeelle ay ku tumatay gaar ahaan wasaarada Arrimaha Gudaha.
Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Beledweyne ayaa sheegay in wasaarada arrimaha gudaha ay farogelin ku hayso dowlad goboleedka Hirshabeelle waxana uu si gaar ah Madaxweynaha Hirshabeelle uu u eedeeyay xoghayaha joogtada ah Yaxye Cali Ibraahin.
“Wasaarada Arrimaha Gudaha dad ku nool magaalada Muqdisho ee deegaanka Hirshabeelle ka soo jeeda ayay u yeerataa wakiilana ka dhigataa,waxaaa u dambeeyay shir ka dhacay xarunta Xalane kuna saabsanaa xasilinta nidaamka dowladnimada iyo maamulada degmooyinka.”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in shir loogaga hadlayay arrimaha xuduudaha dowlad goboleedyada kana dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa shirk laga qariyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Cali Cabdulahi Cosoble ayaa shaki ka muujiyay shirka xuduudaha isagoo sheegay in la doonayo in kheyraadka Hirshabeelle sida dekeda Ceel-Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley laga jaro HIrshabeelle lana raaciyo gobolka Banaadir.
“Xaafado ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa waxa ay ka tirsan yihiin Hirshabeelle mana aha suurtogal in hadda laga hadlo in Cisaley iyo Ceel Macaan la yiraahdo Muqdisho ayaa laga xukumayaa.”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble,
Shirka ka dhacay shalay magaalada Muqdisho iyo shirar kale ayuu Madaxweyne Cosoble sheegay in xoghayaha joogtada uu wakiilo aan si rasmi ah uga socon dowlad goboleedka Hirshabeelle uu wakiilo ugaga dhigay.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in maamul goboleedka Hirshabeelle uu dib u qiimeyn ku sameyn karo cilaaqaadka uu la leeyahay dowlada federalka Soomaaliya.