Dhagayso-Sawiro: Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo furay kalfadhigii 34 ee Barlamanka
Garowe(Pes) Kalfadhigii 34-aad ee baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabtiah bisha oktoobarna ay 25 furmay, waxana kasoo qayb galay furitaankiisa madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ahna ku simaha madaxwaynaha Puntlandiyo masuuliyiin kale.
Gudoomiya Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay kalfadhigaan inuu yahay kii sharciga ahaa ee baarlamaanka isla markasna arrimo badan looga arrinsan doono.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa khudbad ku furay shirka Baarlamaanka, wuxuna ku soo qaatay arimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,dhaqaalaha dagaalka Al-Shabab iyo heshiiskii ay la gaareen masuuliyiinta dowladda Federaalka Somalia.
Halkan ka dhagayso qudbadii Madaxwayne ku xigeenka