Alshabaab oo la wareegay Ceelbuur kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya

3 April 2017 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Itoobiya iyagoo u ruuqaansaday dhinaca degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud.

234-7b7

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya, oo maalmihii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada.

Alshabaab oo ku sugnaa meelaha aan sidaa uga fogeyn Ceelbuur ayaa gudaha u soo galay, waxaana degan xaalada degmada.

Ciidamada Itoobiya ayaa saddex sanno ka hor la wareegay degmada Ceelbuur, oo ah degmo istiraatiiji ah, kana mid aheyd degmooyinkii ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab.

Degmada Ceelbuur ayaa waxaa ka soo jeeda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waana degmadii u horeeyay ee ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bishii February.

Puntlandes.com

About The Author