Madaxweyne Gaas oo Safar shaqo ugu baxaya berri Ethiopia & UAE
3 April 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah oo ay bishu tahay 4ta April 2017 Safar shaqo ugu baxaya magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE isagoo sii mari doona caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Madaxweyne Gaas ayaa waxaa la filayaa inuu dalka Isutaga Imaraadka Carabta kusoo saxiixo heshiis lagu ballaarinayo Dekedda magaaladda Bosaso.
Dr Gaas ayaa ugu horayn waxa Garowe ka aadi doonaa magaalada Bosaso isagoo kadibna uga sii gudbi doona Addis Ababa dalka Ethiopia oo uu uga sii gudbi doono magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaraadka carabta.
Madaxweynaha oo 22kii bishii hore dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safar shaqo ku tagay imaraadka iyo dalka Ethiopia, wuxuuna sheegay in dhiraadhirinta mashruuca Dekedda Bosaso uu uga soo tegay wefti uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayna ka mid yihiin wasiirka Maaliyadda Puntland C/laahi Sheekh Axmed iyo wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage oo wali ku sugan magaaladda Abu-dubai kulana jiray wadahadal ku saabsan Dekedda Bosaso ugu dambayntiina la isku afgartay iyadoo uu madaxweynuhuna xagga telefoonka uga qayb qaadanayey.
Waxaa la filayaa in saxiixa Heshiiska Dekedda Bosaso ay qalinka ku duugaan madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda DP world maalmaha fooda inagu soo haya 6da ilaa 8da bishan.
Heshiiskan lagu ballaarinayo Dekedda Bosaso ayaa ah heshiis u hel muhiimad aad u wayn shacabka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed maadaama la horumarinayo Dekadda lagana dhigayo mid caalami ah oo la jaanjaadi karta Dekeddaha waawayn ee aduunka ka jira.
Dr Cabdiweli ayaa taariikhda ku galay Madaxweynahii ugu waxqabadka badnaa ee Puntland soo maray intii ay jirtay, isagoo dadaal badan u galay sidii uu u horumarin lahaa ilaha dhaqaalaha Puntland sidii uu u balan qaaday shacabka reer Puntland markii uu ku jiray ololihiisii doorashada.
Puntlandes.com