Dhagayso: Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo wareysi aad xasaasi u ah bixiyay, kana hadlay ka bixitaanka Ceelbuur

4 April 2017 (Puntlandes) Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Kamaaludiin Mustafa oo waraysi siiyey VOA ayaa ka hadlay ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee magaaladda Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

234-3b2

Amb. Kamaaludiin ayaa sheegay in ciidamada ka baxay Ceel-buur aysan markii hore ka tirsaneyn howlgalka Amisom laakiin ay Soomaalilya kusoo galeen heshiis dhexmaray dowlada Itoobiya iyo Soomaaliya, haatana uu howlgalkoodu soo dhamaaday.

Dhanka kale Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood u yeelan weysay kuna guul daraysatay inay la wareegto magaalada Ceel-Buur, isagoo intaas kusii daray inaysan magaaladaas ku nooleyn shacabkii ku noolaa oo ay halkaas ka barakaceen.

Dhagayso waraysiga Safiirka


Hlkana ka dhagayso guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo ay VOA waraysatay


Puntlandes.com

About The Author