Sawirro: Wasiirka Gaashaandhiga UK oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho
5 April 2017 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhiga UK Mike Penning ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho maalmo ka hor.
Safiirka dowlada Britain u fadhiya Somalia Devid Concar ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijyey booqashada Mike Penning.
Wasiirkan ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Britain, kuwa UN-ka iyo kuwa AMISOM ka jooga Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira amaanka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mr. Mike Penning ayaa sidoo kale kulan la qaatay abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Somalia Jen. Cali Baashi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xoojinta iyo dib u dhiska ciidanka XDS.
Lama sheegin kulamo dhexmaray Wasiirka ciidamada qalabka sida ee UK Mike Penning iyo madaxda sare ee dowlada Soomaliya intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.