Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare oo Tartanka Gabayada u qabatay Qayb kamid ah iskuulada Puntland

5 April 2017 (Puntlandes) Waxaa magaalada Garowe lagu qabtay maalintii isniinta Tartanka iskuulada suugaanta iyo dhaqanka afka soomaaliga ee waxaana ka soo qaybgalay iskuulada kala ah Gobolada Sanaag, hayland, Nugaal, iyo Karkaar.

Barnamijkaa ayaa Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare kaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf aw Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Dr Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyi tacliinta sare Mohamed C/qaadir Cismaan, iyo Agaasimaha Waaxeedka hormarinta Waxbarashada Maxamud Abdisalan, Madaxa hormarinta Waxbarshada gabdhaha Faadumo shugri iyo dhaamaan shaqalaha wasaaradda Waxbarashada iyo gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada Maamulayasha iskuulada ee Gobolada, Araday ,Abwaano ,qoryaal iyo marti sharaf kala duwan.

Barnamijka ayaa ahaa si Xayaysiis si loo helo iskuulada ka qaybgalaysha iyadoo xooga lasaarayo mashruuca waxbarashadu waa iftiin WWI iskuuladeeda Target ka u ah ee Qaybteeda Save The Children iyadoo tartanka soo socday mudo labo asbuuca ayaa ugu danabayntii waxaa lagu qaybatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Xarunta Garowe.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxa hormarinta Wasaaradda Waxbarashada Gabdhaha Faadumo Shugri oo ku soo dhawayey musuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada, sidoo kalena ka hadashay muhiimada uu lahaa Tartanka aradayda iskuulada Gobolada u leeyahay ardayda reer puntland meeel walba ay joogan.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxada hormarinta Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Maxamud Abadisalaan oo sheegayna in uu aad ugu faraxsan yaha in uu maanta ka soo qayb galo ee barnamijka hormarinta suuganta tartanka ardayda iskuulada Gobolada , wuxuuna sheegay in dawlada iyo Shaqalaha heer gobol iyo heer degmo ilaalinayeen nidaamka iyo shuruucda Tartanku lahaa ee samayn ku yeelanysa wax khilaaf ah.

Waxaa warbxinta iyo sawirada oo dhamaystiran ka helaysa
Web WWW.MOEPUNTLAND.COM.
By Deeq hurevov.
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.
FB_IMG_1491395937773

FB_IMG_1491395925701

FB_IMG_1491395945148

FB_IMG_1491395912307

FB_IMG_1491395920457

FB_IMG_1491395950122

FB_IMG_1491395932246
puntlandes.com

About The Author