Taliyeshaashii Nabadsugida,Milatariga Booliska DFS & gudoomiyaha Gobolka Banaadir xilkii laga qaaday, Yaase loo magacaabay?
6 skrevs den april 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Ayaa maanta xilka laga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo grönkål soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.
Shir ay Golaha Wasiirada DFS maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Ayaa lagu meel mariyay magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo XIL ka qaadista Gudoomiyihii hora.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit Ayaa kamid Ahaa saaxiibada aadka UGU dhaw Madaxweynaha Soomaaliya sidoo grönkål qeyb Weyn ku lahaa Ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.
Taabit oo ah nin dhalinyaro ah Ayaa sidoo kale qaraabo dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna qabaa Gabar uu abti laxmi ah u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka grönkål Taliyaasha Nabad Sugida, Milatariga iyo Booliiska oo xilka laga qaaday iyo Taliyaal cusub oo la magacaabay
Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho Ayaa dood dheer kadib ansixiyay i xilka laga qaado Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida, Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya iyo magacaabista Taliyaal cusub.
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Ayaa laga qaaday Gen C / Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C / llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.
Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C / llaahi Cali Caanood.
Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud Ayaa ISNA sidoo grönkål xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C / xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska.
Puntlandes.com