BREAKING NEWS-SAWIRRO: Heshiiskii ballaarinta, horumarinta iyo Casriyeyta Dekedda Bosaso oo la SAXIIXAY

6 April 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo xog ogaal aha ka ogaatay in maanta oo ay taariikhdu tahay 6da April 2017 heshiiskii ballaarinta, horumarinta iyo casriyeynta dekedda Bosaso manta gelinkii hore qalinka lagu duugay.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca dowladda Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka badda Siciid Maxamed Raage iyo dhinaca shirkaddana waxaa u saxiixay madaxda DP World.

Munaasabadda saxiixa Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa ganacsato iyo siyaasiyiin hore.

Maanta ayaa waxay noqonaysaa maalin taariikhi ah maadaama ay shacabka reer Puntland gaareen qayb ka mid ah yoolkoodii oo ah in Dekedaas laga dhigo mid la jaan qaadi karta Dekedaha caalamka, waxaana juhdi badan iyo dadaal aan daal lahayn geliyey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo manta ka dhabeyey tiir wayn oo ka mid ah balanqaadkiisii doorashada.

Faahfaahin Heshiiska kala soco Warbaahinta Puntlandes

Daawo sawiradda
234-7e5

234-7e5a

234-7e5b

234-7e5c
Puntlandes.com

 

 

 

About The Author