Sawirro: Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Cadaado
7 April 2017 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.
Wasiir Juxa oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan xildhibaano ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Galmudug iyo tan Degmada Cadaado.
Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo.