Deg deg: RA’IISUL WASAARAHA oo jawaab adag ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha Somalia

214

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa goor-dhow ka jawaabay hadalkii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku diiday isku shaandheyntii koobnayd ee uu saaka ku sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda.

C/weli Sheekh ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in hannaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee Somalia uu hadda marayo meel xasaasi ah, isla markaana ay habboon tahay in dastuurka iyo sharciyada dalka u degsan la dhowro.

“Mas’uulka kastoo maqaam ama xil sare ka haya dowladda federaalka Soomaaliya waxaa laga doonayaa inuu si wadanimo, geesinimo iyo hawl-karnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo,” ayuu C/weli Sheekh hadalkiisan kooban ku yiri.

Sidoo kale, qoraalkan ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay inaan la joogin waqtiigii si gaar ah shaqsi loo jecleysan jiray, balse la joogaa xilligii shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada lixaadka leh haysato la badbaadin lahaa.

“Waa dhamaaday waqtigii is-jiid-jiidka iyo siyaasadaha qalafsan lagu dhaqmi jiray, golaha wasiiradda iyo xukumaddaba waxaa looga fadhiya inay howsha ay u hayaan shacabkooda laba-jibaaraan si marxaladaha uu dalku ku jiro looga gudbin lahaa, lana qabto shaqooyinka adag ee noo yaalla,” ayuu ku yiri qoraalkiisa ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Ugu dambeyn, wuxuu ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo ah dad jecel nabadda, horumarka iyo dowladnimada; waana shacab doonaya inay kasoo kabtaan dhibaatadii muddada badan soo jiitamaysay, mana dhici doonto in la caburiyo masiirka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed lana is-hortaago.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu qoraalkiisan kusoo koobay  – Hadal yar, howl badan iyo hanuunsanaan baa inoo balan ah.

HALKAN RIIX: FACEBOOK-GA RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA

 

Puntlandes.com

About The Author