Somaliland oo 2 sano oo xarig ah ku xukuntay Wariye Coldoon
8 April 2017 (Puntlandes) Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon waxay ku xukuntay Xabsi 2 sano ah.
Wariye Coldoon ayaa muddo ku dhaw laba Bilood ku xirnaa Xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, isagoo ku eedaysnaa Soomaalinimadiisa uu aaminsan yahay.
Qareenadii u doodayey Wariye Coldoon ayaa sheegay in xukunkan uu yahay mid siyaasadaysan isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan.
Xukunkan Labada Sanno ah ayaa salka ku haya Coldoon oo aan qarsan Soomaalinimadiisa iyo taageerada uu u hayo midnimada iyo wada jirtka Soomaaliyeed.
Puntlandes.com