Alshabaab dil ku xukunaa oo maanta la Toogtay
8 April 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa dil toogasho ah lagu fuliyay xubno ka tisan kooxda Alshabaab oo gaaraya 5, kuwaasoo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal loo gaystay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda oo lagu dilay magaalada Bosaso sannadkii hore dhammaadkiisa.
Sida uu Xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamada Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan, Waxaa saaka lagu toogtay dhalinyaradaan Duleedka magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib markii dhawaan Maxkamadu ku xukuntay xukun dil ah.
Puntlandes.com