Wasiir Juxa oo ku guulaystay inuu Doorashada Madaxweynaha Galmudug dib u dhigo illaa 30-ka April
8 April 2017 (Puntlandes) Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee lagu waday inay dhacdo 10-ka bishan ayaa dib loo dhigay, iyadoo ugu dambeyn maamulka Galmudug uu aqbalay codsigii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in doorashada dib loo dhigo muddo 45 cisho ah.
Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo shalay gaaray Cadaado ayaa wada hadalo la yeesheen Ku simaha Madaxweynaha Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga doorashada Madaxweynaha ku guulaystay inay ka dhaadhiciyaan inay qaataan codsigii Khayre.
Wada hadaladan oo muddo saacado qaatay ayaa la isku afgartay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 30-ka bishan April, iyadoo inta ka horeysana la dhameystiro dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
Dowladda Federaalka ayaa cadaadis ku saareysay maamulka Galmudug, in dib loo dhigo doorashada, si fursad loo siiyo Maamulka Ahlusuna oo horay u dalbaday in doorashada dib loo dhigo, si ay uga qeyb galaan.
Guddiyo ka socda Ahlusuna iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda wada hadalo u furmo, waxaana wada hadaladan garwadeen ka noqon doona dowladda Federaalka.
DFS ayaa dadaal xoogan ugu jirta in Maamul ay ku midaysan yihiin Ahlusuna iyo maamulka Galmudug loo sameeyo qayb ka mid ah gobolka Mudug iyo Gobolka Galguduud.
Puntlandes.com