Xog: Waa see xaalada Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ?
Isla shalay markii Ra’iisul Wasaaraha uu isku shaandhayn ku sameeyey Golihiisa wasiirada ayaa saacado kadib Madaxweynaha DFS Xasan Culusoow uu qaadacay isku shaandheyntii uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyay Golihiisa Wasiirada. Intaas ka dib ayaa waxaa howlo mashquul ah galay Xafiisyada labada Mas’uul oo kulamo la isku habeensaday uu ka socday ilaa shalay.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heleyso Puntlandes.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wadaan kulamo ay la leeyihiin saaxiibadood iyo xulufadooda siyaasada, iyadoo khilaafka labada mas’uul uu hada banaanka u soo baxay.
Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ku wargeliyay Wasiir kasta inuu shaqadiisa sii wato oo aanay wax saameyn ah ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Taasi waaSharcidaro banaanka taalo oo qof kastaahi u jeedo maxaa yeelay ma Ra’iisul Wasaarahaa xukuma Golaha Wasiirada mise Madaxweyne Culusoow? Ma isagaa mas’uul ka ah oo shir gudoomiya mise Ra’iisul Wasaaraha?
Waxaa la filayaa in uu Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed aoo la tashiyo la lahaa tan iyo xalay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo la taliyeyaashiisa, in uu saacadaha soo socda war ka soo saaro diidmadii Madaxweynaha.
Ilo xog ogaal ah oo ka dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Puntlandes.com in war lagu laalayo kii madaxweyne Culusoow uu soo saarayo Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku shaandheyntiisa qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada uu Sharcigu u banaynayaa isagaana u leh awood mana aha arin uu Sharcigu u banaynayo in uu madaxweynuhu soo faragashto. Waxaana loo sababaynayaa faragelinta madaxweynaha in ay ku salaysan tahay rabitaankii shaqsiyadeed oo uu rabay in loo afduubnaado Kooxdiisa DAM-JADIID. Iyagoo qorshahoodu ahaa in ay wixii Somaliyi ku s´Heshiisay ay say doonaan u maamulaan.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa inta badan ay taabacsan yihiin Wasiirada, iyadoo tan iyo shalay Xafiiskiisa lagu arkayay Wasiiro badan..
Ma ahan wax cusub in Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ay is qabtaan Villa Waedhiigleey, sanad ka hor xilligan oo kale waxaa is qabtay Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid, waxaana aaqirkii Baarlamaanka uu codka kalsoonida kala laabtay Saacid bishii December ee sanadkii hore.
Dadka aadka u yaqaan siyaasada Soamalia ayaa sheegaya in tani ay la mid tahay tii madaxweynihii hore ee Somalia Allaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihiisii Nuur Cade. Taasoo markii AUN Cabdulaahi uu arkay meesha xaal yaal uu xilka iska Casilay dharaar cadna baneeyey Kursigiisii. Laakiin taas ma qabaan in ay dhacayso dada aadka u yaqaan Xasan Culusoow iyo Xisbigiisa, oo waxay leeyihiin isma casilayo lagamana yaabo taas.
Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco puntlandes.com
Puntlandes.com