Wasiirka Maaliyadda oo lacagtii ugu badneyd canshuuraha Qaadka hal maalin kusoo xareeyey

9 April 2017 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo uu wehliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa shalay kormeeray ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Wasaaradda Maaliyadda ku canshuurto Qaadka ka yimaaday dalka Kenya.

234-8a6

Wasiir Beyle ayaa goob joog ka ahaa habkii loo canshuurayay Qaadka, iyadoo Wasiirku mid mid u kormeeray Jawaanada Qaadka ku jira iyo sida loo canshuuro, waxaana canshuurta ay qaadatay muddo saacado ah, waxaana ay gaartay illaa duhurkii heer uu Qaadku ku daaho garoonka gudihiisa, sababo ku aadan kormeerka wasiirka iyo la socodka habka loo canshuurayay.

Ilo ku dhow dhow Garoonka Diyaaradaha ayaa u sheegay Warbaahinta in canshuurtii Qaadka ee shalay laga qabtay lacagtii ugu badneyn abid, taasoo ka badan lacagta maalin walba qasnada dowladda ku dhacayay ee canshuurta Qaadka.

Arrintan ayaa waji gabax iyo fadeexo ku noqotay Mas’uuliyiintii qaabilsanaa uruurinta canshuuraha qaadka ka soo dega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Inkastoo aanu Wasiirku qaadin wax tallaabo ah, hadana waxay kormeerkiisa sababtay in lagu ogaado in dhaqaale badan uu ka soo xaroodo canshuurta Qaadka, kaasoo wax is daba marin lagu sameyn jiray, isla markaana qasnada dowladda ku dhici jirtay lacago ka yar, lacagtii shalay laga qabtay ee canshuurtii qaadka.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee isla xisaabtan ah ee uu sameeyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Puntlandes.com

 

About The Author