Wasaarada Deegaanka Puntland oo Dawlada iyo Beesha Caalamka u qabatay shir looga hadlayo Fulinta Qodbadii kasoo baxay shirkii Labaad ee Deegaanka Puntland…(Sawiro).

Waxaa Maanta Garowe lagu qabtay shir beesha Caalamka loogu soo bandhigayey Qodabadii shalay kaso baxay shirweynihii labaad ee Deegaanka Puntland, Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland  waxaana kasoo qaybgalay Wasiiro ka tirsan dawlada Puntland, madaxda hay’adaha dawliga ah ee Puntland, qaarkamid ah gudoomiyeyaasha gobolada iyo Degmooyinka Puntland, wakiilo ka socday qaybaha kaladuwan ee bulshada iyadoo shirka ay dhanka kalena kasoo qaybgaleen wakiilo matalayey Deeqbixiyeyaasha, hay’adaha caalamiga ah ee dawlada Puntland ka caawiya arimaha Deegaanka iyo Qaramada Midoobey.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar oo shirka furitaankiisa ka hadashay ayaa sheegtay in shirkan uu yahay qayb kamid ah shirweynihii Deegaanka Puntland loogu qareemayey waxayna sheegtay in ujeedada shirka loogu yeeray wadamada iyo hay’adaha wasaarada Deegaanka taageera ay tahay in lala wadaago qodobadii kasoo baxay shirkii 8ilaa 9kii bishan soconayey kaas oo loogu talagalay bay tiri in loogu qareemo Deegaanka islamarkaasna si loofuliyo loo baahanyahay taageero Caalami ah.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland, Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka ee Puntland oo ayana shirka u matalayey dawlada dhexe ayaa sheegay in dawlada Puntland ay meel sare ka joogto ilaalinta Deegaanku waxaana ay sheegeen in saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ay uga mahadcelinayaan mashaariicaha dhanka badbaadada Deegaanka ah iyo taageerada kale ee joogtada ah ee ay marwalba siyaan Wasaarada Deegaanka iyo bulshada Puntland, Wasiiradu waxay sidoo kale shirka ka sheegeen in waxbadan laga qabtay Deegaanka islamarkaasna ay dawlada Puntland qorshaynayso in ay sii laba jibaarto qorshaheeda ilaalinta Deegaanka.

Shirka intii uu socday ayaa wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska waxay kusoo bandhigtay waxbqadkeedii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, qodabadii kaso baxshay Shirweyinihii koowaad iyo kii labaad ee Deegaanka Punland, hiigsiga wasaarada gaar ahaana Istaraatijiyada shaqo ee wasaarada 2017 ilaa 2021, Dhibaatooyinka ka kajira Deegaanka, casharadii laga bartay mudadii lasoo waday mashaariicda ay wasaaradu imika gacanta ku hayso, qorshaheeda ku aadan la qabsiga bulshada ee abaaraha iyo qodobo kale oo muhiim ah waxaana ay wasaaradu ka qaybgalayaasha shirka la wadaagtay Mashaariicaha ay imika gacanta ku hayaan iyo sida Shaqalaha wasaaradu ay u yihiin dad aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba uyihiin kuwo awood u leh inay qabtaan shaqooyinka culus ee wasaarada horyaala.

Masuuliyiintii ka kalasocotay Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee wasaarada Deegaanka Puntland ka shaqeeya gaar ahaana Care, ADDESO, WFP, UNDP, UNSOM, FOA/SWALIM ayaa Iyana halkaas ka jeediyey khudbado ay uga hadlayeen wadashaqaynta ay wasaarada la leeyihiin, sida loogu guulaystay miro dhalinta mashaariicaha ay wasaarada la wadaan gaar ahaana Mashruuca “Deegaanku waa Noloshaada”, Kalsoonida ay ku qabaan shaqada wasaarada iyo arimo kale oo badan waxaana ay dhinacyadaasi sheegeen in ay rajaynayaan inay sii laba jibaaran wada shaqaynta ay wasaarada Deegaanka la leeyihiin si loo wajoho xaalada adag ee uu Deegaankeenu ku suganyahay.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo xiray shirkan ayaa u mahadceliyey dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirkan isagoo si gaar ahna u sheegey in wasaaradu ay ku faraxsantahay in wakiilada hay’adaha wasaarada la shaqeeya ay qireen wada shaqaynta ay wasaarada la leeeyihiin siday ay u wanaagsantahay, Wasiirku wuxuu dhanka kale sheegey in Wasaarada Deegaanku ay sii laba jibaari doonto qorshaheeda dabagalka iyo Qiimaynta mashaariicaha arimaha deegaanka la xiriira ee wadanka ka socda isagoo sheegey inaysan u dulqaadan doonin in mashariicda lagu soo qaato in looga shaqaynayo Deegaanka aanan sidii loogu talagalay loo fulin, wasiirku wuxuu sidoo kale shegey in wasaaradu ay sii laba jibaari doonto qorshaheeda ku aadan in ay ka shaqayso dhibaatooyinka Deegaanka gaar ahaana biyaha dayacmaya iyo burburka kusii socda Dhulka.

Daawo sawirrada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23
Puntlandes.com

About The Author