Guddoomiye Jawaari: “Waxaa dhisan hay’ado dastuuri ah oo xalinkara khilaafka jira”
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in Dawladu ay u dhameystiranyihiin hay’adaha dastuurka ee dalka, isla markaana uu kalsooni weyn ku qabo in ay xalinayaan khilaafka aadka u culus ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.
Mudane Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa inta aan ka dhoofin garoonka Muqdisho waxa uu tilmaamay in hay’adaha dastuurka ee dalka ay dhameystiranyihiin.
“Waxaan beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee dhisan, dowladdu waxa ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay ku xaliso gudaha dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.