Xog: Nicholas Kay oo maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda ugu saraysa DFS
Muqdisho (Pes): Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gooni gooni ula kulmay Madaxda DFS, isagoo kala hadlay khilaafka aadka u qotada dheer ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Nicholas Kay ayaa ugu horeyn u tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulan albaabada uu u xirnaa saacadana qaatay uu la yeeshay, iyadii Mr Kay uu ku wehliyay La Taliyihiisa gaarka ah Mr Nuuradiin Diiriye.
Ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuundaloola arimahan ayaa u xaqiijiyay Puntlandes.com in Mr Nicolas Kay uu ka dalbaday Gudoomiye Jawaari in arrinta khilaafka sulux lagu dhameeyo, isla markaana ay qeyb ka noqoto Beesha Caalamka,
Kulankaas hore ka dib Mr Nicolas Kay ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha DFS. Wararka ay ka heshay Puntlandes.com kulankaas ayaa ah in Ra’iisul Wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay, sharciguna u ogolyahay inuu Golihiisa Wasiirada isku shaandheeyo.
Ugu dambayntii gabal gaabkii ayuu Nicholas Kay la kulmay Madaxweyne Xasan Culusoow, waxaana Mr Kay uu u sheegay Madaxweynaha in khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay curyaamin karto hey’adaha dowladda, caqabadna ay ku keeni karto geeddi socodka Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 la doonayo in dalka doorasho uga dhacaan.
(Sawir Hore) Danjire Nicholas Kay, la taliyihiisa Nuuradiin Diiriye iyo Prof. Jawaari
Xogo ay heshay Puntlandes.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku adkeystay go’aankii uu kaga soo horjeestay isku shaandheynta, isla markaana marar badan uu u dulqaatay tallaabooyinka Ra’iisul Wasaaraha. Xasan ayaa sheegay in isaga aanu diidaneyn isku shaandheyn lagu sameeyo Xukuumada, balse xilliga la sameeyay, deg degta ku jirta iyo sida Faarax cabdulqaadir loo beegsaday ay caqabad ku noqoneyso barnaamijka dowladdnimo iyo howlihii soo socday.
Dhanka kale waxaa isna kulan deg dega la Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya. Waxaana wakiilkumarkii hore kulmeen Ra’iisul Wasaaraha halka uu ugu dambayn la kulmay Madaxweynaha.
Lama saadaalin karo halka ay ku dambeyn doonto khilaafka aadka u xididaystay ee siyaasadeed ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,
Xafiiska wararka