Swiro: Madaxwaynaha Puntland iyo waftogiisii oo Addis abab lagu soo dhaweeyay

Adis Ababa(Pes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo weftigii la socday oo xalay abaaro siddeedii fiidnimo kasoo kicitimay Magaalada London oo mudo todobaad ah ay booqasho ku joogeen ayaa saaka soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa markii uu soo gaaray magaalada Addis-Ababa waxaa garoonka diyaarada ku sugayey Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawlada Ethiopia mudane. Tedros Adhanu iyo Wasiir dawlaha lacagta ee Dawlada Ethiopia Mudane. Ahmed Shido iyo safiirka Soomaliya ufadhiya dalka Ethiopia mudane. Abdirashid.
Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Tedros Adhanu ayaa qolka VIP da waxaa ku qaateen kulan gaar ah, kaas oo ay kaga wada hadlayeen xidhiidhlka siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee u dhaxeeya dawlada Puntland iyo Dawlada Ethiopia.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka arimaha dibada ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Beeraha Puntland mudane. Boos iyo Wasiir dawlada lacagta ee Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya iyo waxa sababay khilaafka Ra’iisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya iyo doorka amuurtaasi dawlada Puntland ka qaadan karto sidii loo damin lahaa xiisada ka aloosmay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Gaas iyo weftiisa ayaa waxaa ay socdaalkooda hore ugusii gudbidoonaan magaala Dubai ee wadanka UAE, halkaasoo casuumad ay ka heleen dawlada wadankaasi isutaga imaaraadka carabta.
Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in uu todobaadka fooda inagu soo haya dalka dib ugu laaban doona marka uu safarkiisa shaqo soo gebagebeeyo.

sawiro
706

707

708

709

710

711

712

713

714

715

716

717

718

719

 

Puntlandes.com

About The Author