Safarka Galayr ee Caynaba muxuu daaran yahay? Ma Buhodle laa loo tashanayaa?
14 April (Puntlandes) Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland magaalada Caynaba oo ah Degmo ka tirsanayd gobolka Sool iminkana ka tirsan Somaliland, kadib Safar uu halkaasi ku tagey.
Warar kala gadisani ayaa kasoo baxaya ujeedada safarka Galayr iyadoo warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan in ujeedku yahay sidii ay Somailand u qabsan lahayd magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Halka war kalena uu leeyahay inuu Galayr u tagay Caynaba in loo qarameeyo malayshiyo beeleed kasoo jeeda beesha Bahararsame ee uu Galayr kasoo jeedo iyo Beesha Barkad ee uu kasoo jeedo Wasiirka Gudaha maamulka Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf.
Cali Khaliif Galayr ayaa ku taamayey inuu dhiso Isbahaysi Faaraxa Garaad oo uu kula loolamo Maxamuud Garaad, taasoo uu ku fashilmay markii Axmed Garaad ay ku gacan sayreen Isbahaysiga Galayr ee lagu kala qaybinayo beelwaynta Dhulbahante.
Markuu Galayr wajigii koowaad ku guuldaraystay ayuu wuxuu u gudbay wajiga labaad oo uu ku midaynayo Beesha Guuleed Garaad (Barkad) iyo beesha Maxamed Garaad (Bahararsame), si uu ugu yeero Isbahaysi Faarax Garaad.
Malayshiyo beeleedka uu Galayr Qaramaynayo waxay kasoo jeedaan labadan beelood ee Bahararsame iyo Barkad, iyagoo qaatay magaca Faarax Garaad (Khaatumo) xalayna Caynaba u hayday iyagoo marti u ah Somalinad.
Puntlandes.com