Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Shir ay maanta Yesheen Madaxda DFS iyo Dawladdaha Xubinta Ka Ah
Madaxweynah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay shirka ay yeshaan madaxda DFS iyo Dawladdaha Xunbinta ka ah, shirka ayaa ka dhacay madaxtooyada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Shirka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo masuuliyiinka tirsan goloyaasha dawladda Puntland.
Shirka ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen marxalada siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, sii xoojinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xunbinta ka ah, Abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya, qaab-dhismeedka iyo dhisida ciidanka qalbka sida iyo talooyin kale oo dheeraada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas oo hadal muhiima ka jeediyey shirka ayaa ugu horayn ka hadlay kana talo bixiyey dhisida ciidan qaran oo isku dhafa waxaana uu sheegay madaxweynuhu in Dawladda Puntland ay diyaar u tahay wax kasta oo dan u ah Soomaaliya maslaxadooduna ku jirta oo ah midnimada ummadda Soomaliyeed oo ku midaysan hal magac iyo hal hadaf.
Madaxweynaha ayaa hosta ka xariiqay in ay hawl badan iyo dedaal badan u baahan tahay dhisida ciidankaasi isla markaana loo baahan yahay in laga yeesho hadaf midaysan oo suuragal ka dhigi kara hirgelinta ciidan ka beri ah siyaasad iyo qabiil mid koodna.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dib loofiiriyo ciidamada ajanebiga ah ee jooga Soomaaliya kuwaas oo aan ka wax qabad roonayn cidanka Soomaliyeed ee hadh iyo habeen u heegan ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada ummaada Soomaliyeed, isla markaana waxa uu ku booriyey madasha in meel looga soo wada jeesto soo afjarida firxadka Al-shabaab ee wakhtigoodu gabaabsiga yahay.
Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha Puntland ku adkeeyey masuuliyiinta kale ee shirka kala qayb galay in shirka dhowaan ka dhicidoona Lodon ee lagaga hadli doono arrimaha Soomaliya laga yeesho hadaf cad oo dan u ah masiirka iyo horumarinta shacaka Soomaliyeed.
Madaxweynaha oo kahadlaya abaarta ka jirta Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay marayso marxad adag, waxaana loona baahan yahay buuyiri in meel looga soo wada jeesto gurmad deg-dega oo lagu caawinayo dadkaasi dhibaataysan.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay diyaar u yihiin wada shaqaynta Dawladda Fadaraalka, waxaana uu cadeeyey in ay garab buuxda ku siin doonaan wax kasta oo Puntland ka caawin karto, madaama ay Puntland leedahay Khibrad 18 sano ah kagana duwantahay maamulada kale ee xubinta ka ah DFS.
Puntlandes.com