Sawirro: Melbourne Australia: Jaaliyada Puntland ee Australia oo si weyn u Taageertay heshiiskii imaaraadka Dowlada Puntland iyo Dowlada UAE

16 April (Puntlandes)Melbourne Australia, Shir ay soo qaban qaabisey Jaaliyada Australia Puntland Diaspro Forum ayaa taageero buuxda ku garab istaagey heshiiskii Dowlada Puntland iyo Dowlada UAE

Australia Puntland Diapro forum iyo dhamaan jaaliyada Puntland ee Australia ayaa soo dhaweeyey horumarka iyo talaabada ay qaadey Dowlada Puntland ee uu hogaamin hayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdi Weli M Cali Gaas

Gudoomiyaha Australia Puntland Diaspro Forum, Maslax Dahir oo la hadlahayey Puntland Community ayaa ku baaqey in si buuxda loo taageero horumarka iyo mashruuca dhismaha dalka Puntland kuna tilmaamey talaabada uu qaadey Dr Gaas Madaxweynaha Dowlada Puntland oo mudan in si weyn loo qadariyo go aanka Dowlada Puntland iyo horumarka ay ku talaabsatey Dowalda Puntland iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland

Mr Maslax ayaa yiri Australia Puntland Diaspro Forum waxa ay weligeed garabtaagneyd Dowlada Puntland iyo shacabkaba hadana waxaan rajeyneynaa in halkeedii ay ka sii socoto loona midoobo arintaas iyada

Gudoomiyaha jaaliyadaha Australia Puntland Forum ayaa yiri dhismahayaash illaha Dekeda Boossaaso Airporka Garoowe Airport-Cabdullahi Yussuf Airport Gaalkacyo iyo horumarka ay gaadhey Puntland amaanteeda waxaa iska leh Madaxweynaha Dowalada Ountland Dr Gaas oo runtii ah madaxweyna lagu diirsadey horeyna u qaadey hamiga shacabweynaha Puntland.
Waxaa isaguna meesha ka hadley Gudoomiyihii hore ee Australia Puntland Diaspro Forum Dr Cumar Mahamud Dhoolawaa, kana soo jeediyey madashaasguubaabo iyo amaan uu u soo jeediyey shacabka Puntland si gaar ahna uga hadley heerarkey Puntland soo martey meesha ay maanta joogto, Dhoolawaa waxaa uu si gaar ah u amaaney gudoomiyaha cusub Mr Maslax balana qaaday in ay la shaqeyn doonaan Mr Maslax iyo wada jirka puntland community

Waxaa isaguna ka hadlay munaa sabadaan iyada ah Gudoomiyaha Jaaliyada Dowlada Degaanka Somaliyed ee Ethiopia Mudane Cabdiqani Farah Yussuf iyo xubno muhiim ah oo tirsan maamulkiisa DDIS ee Australia oo ahaa marti sharaf lagu marti qaadey munaasabadaan lagu taageerahayo horumarka ay gaartey Puntland kuna amaaney Puntland heerka ay maanta mareyso Dr Gaas na ahaa hogaamiyaha ay Puntland u baahneyd

Mudane Cabdiqani Farah wuxuu yiri Dr Gaas halkaan ayuu noogu yimid bishii June 2013 markuu ahaa musharaxii u tar tamahayey hogaanka Dowalda Puntland, yirina Dr Gaas waxaa uu nagu yiri Puntland waxaan gaarsiin hayaa horumar waana uu oofiyey balankiisii doorashii uu ku noqdey madaxweynaha Puntland, waxaana uu Dr Gaas mudan yahay amaan iyo bogaadin loona baahan yahay in taageero buuxda oo aan kala har laheyn lagu taageero.

Waxaa iyaguna ka hadlay munaasabadaan xubno kale oo muhiim ah oo ka kooban Culumo-Aqoon yahano iyo ganacsato reer Puntlandar ah oo ay ka mid ahaayeen Xassan Yussuf Dhuux, Hassan Garabey  ahna Godmmiyahas shuurada shuurada Australia Puntland Diapro Forum kana mid wax garadka Somali Community of Australia, Safia Nur Hussein Horeeye oo ah xubin muhiim u ah jaaliyada Puntland ee Australia kana mid ah madaxda sare ee Dowlada degaanka Somalida ee Ethiopia iyo xubno kale oo fara baden

Gaba gabadii xaflada ayaa Gudoomiyaha Australia Puntland Diaspro waxaa uu gudoonsiiyey Shahaado sharaf, xubno waaweyn oo kala ah Gudoomiyihii hore Australia Puntland Diasproisla markaasna ahaa assaasihii Australia Puntland Diaspro Forum Dr Cumar Mahamud Dhoolawaa iyo ku xigeenkiisii Dr Ahmed Warsame oo runtii soo sameeyey dhabar iyo dulqaad baden wada jirka Puntland gudaha iyo dibadaba soona gaarsiiyey Puntland Diaspro heerka ay maanta joogto, illaa iyo heer doorasho Dimoqradiyadeed illaa ay dhacdey doorasho 1 man 1 vote, laguna doortey Maslax Dahir Guure, gudoomiyaha hada xilka haya Australia Puntland Diaspro Forum, waxaana gudoon siiyey shahada sharftaan labadaan masuul Gudoomiyaha Jaaliyada Australia DDIS Mudane Cabdiqani Farah Yussuf oo ah masuul saaxiib run ah la ah Australia Puntland community ahna saxiixayaashii midnimadii ay ku midoobeen Australia Puntland Diaspro Forum iyo Australia DDIS Community
1

1a

1aa

1ab

1b

1d

1e

1e1

2

3

4

5
Puntlandes.com

About The Author