Daawo Video: Masuul ku qabtay Garowe shir uu ku dhaliilay Madaxda Puntland

Agaasimihii horre wasaarada deegaanka iyo duurjoogta Puntland Maxamed Cabdulqaadir Barre ayaa maanta shir jaraa,iid oo uu ku qabtay magaalada Garowe waxa uu kaga jawaabay Eedeymo madaxda Puntland inta badan ugu soo jeediso lacag deyn ah oo ay sheegeen inay kala wareegeen Xukuumadii horre.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sabab uga dhigay qabashada shirka jaraa,iid ka dib markii uu dhagaystey khudbad uu labo maalin ka hor ka akhriyay furitaankii kalfadhiga gollaha wakiilada Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay.

“Waxaa la yiri hal la magac dhabay ama kacday ama kuur kuursatay madaama aan ka mid ahaa dowladii horre oo uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole tana aan ka mid ahay baa igu khasabtay inaan ka jawaabo Eedeymaha beenta ee ay dhaqanka ka dhigteen Madaxda Puntland ” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir oo intaas ku daray.

Sida uu ku akhriyay Madaxweyne ku xigeenku khudbadiisii ama Madaxweynaha Puntland uu ka sheego meelo badan oo fagaare ah waxay ku cel celiyaan inay ka tagtay Dowladii horre lacag dhan 14 Milyan si dhabta ahna ma dhama umana dhawa lacagta ay sheegeen 1 Milyan iyo 1 Boqol bay ka tagtay Dowladii Cabdiraxmaan Faroole ” ayuu yiri Maxamed .

Waxa uu sheegey in looga bartay maamul kasta oo yimaada Puntland inuu saddexda sano ama afarta sano ee ugu horeeya si joogto ah u bixiyo mushahaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada, balse ma dhicin Xukuumad gabtay sanadkii ugu horeeyey bixinta mushahaarooyinka oo uu sheegey inuu ka maqan yahay 5 bilood mushahaarkoodii ciidanka qalabka sida.

“Hadii ay gabtay wixii ay balan-qaaday ma ahan inay ku xoqoto Dowlad soo shaqeynaysay 5 sano oo mashaariic faro badan ka fulisay dalka ayna yihiin 10-kii bilood ee lasoo dhaafey waxa dalka ka soconaya Mashaariicdii ay dalka keentay dowladii Cabdiraxmaan Faroole, marka damiirkayagu na siin maayo inaan ka aamusno waxaan jirin oo loo sheegayo dadka ” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir.

Maxamed Cabdulqaadir Barre waxa uu intaas ku daray inuu usoo bandhigi doono Warbaahinta iyo Baarlamanka Puntland cadeymo muujinaya musuq maasuqa Xukuumada Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale waxa uu kaga hadlay shirka jaraa,iid ee uu ku qabtay Garowe talooyin uu usoo jeediyey Baarlamanka  iyo Shacab-weynaha Puntland.

Daawo Shirka Jaraa,iid

Puntlandes.com

About The Author