Uganda oo u soo diray 2700 askari oo ilaaliya Madaxtooyada , Baarlamanka iyo Airporka Xamar

Dawlada Uganda ayaa waxay sheegay in Ciidamo si gaar ah u ilaaliya madaxtooyada, baarlamaanka iyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho ay usoo direyso magaalada muqdisho

Ciidamadaasi ayaa waxay gaarayaan 2,700 oo askari oo si gaar ah u xaqiijineysa Ammaanka Xarumahaasi.

Katumba Wamala oo ka tirsan Saraakiisha Wasaarada Gaashandhiga ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in ciidanka cusub ay xoojinayaan kuwa ilaaliya xarunta madaxtooyada, baarlamaanka iyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho waxa uuna intaas ku daray in ciidamadan ay todobaadyo ku qaadanayeen tababar gaar ah.

Ciidamadan yaa waxaa si gaar u tababaray Saraakiil u kala dhashay dalalka Mareykan iyo Faransiis.

Waxaa wax lala yaabo ah sida wadankeenu yahay iyo Ciidamadaan xad dhaaf ah ee lagu soo daadguraynaya??

Puntlandes.con

About The Author