Sawiro: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo Muqdisho gaaray
Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka soo gala garoonka loo xiray sababo ammaan.
Ban Ki-moon iyo wafdigiisa ayaa abaarihii 12-kii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uu ka soo kicitimay dalka Kenya oo uu saakay gaaray.
Wafdiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Bankiga Aduunka, waxaana ay goor dhow kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa si rasmi ah u furi doona dhismaha cusub ee Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo uu ku howl geli doono Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay.
Mah aha markii ugu horeeyasay oo uu Ban Ki-moon booqdo Muqdisho isagoo dhamaadkii sanadkii 2011, uu si rasmi ah u furay Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey oo tobanaan sano kadib loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii si KMG ah ay ugu sugneyd magaalada Nairobi.