Sawiro-Dhageyso: Bulshada Rayidka Puntland oo baaq deg dega kasoo saaray dimuqraadiyaynta Puntland
Garoowe (Pes) Xarunta horumarinta cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa maanta 29 Aktobar ku soo bandhigtay daraasad dheer oo ku saabsanayd geeddi -socodka dimuqraadiyada Puntland.
Daraasadaan ayaa loo soo bandhigay wakiilada ururada bulshada Puntland iyagoo ka yeeshay wadatashi iyo falanqayn.
Markii ay soo gabagabowday wadatashiga daraasada ayaa lagasoo saaray baaq ay ku midaysanaayeen wakiilada bulshada waxaana uu u dhignaa sitadan oo ay ugu baaqeen in Madaxweyne Gaas in uu deg deg u bilaabo geeddi-socodka dimuqraadiyaynta Puntland dhisana Maxkada Datuuriga Puntland.
Qodobada ay soo saareena waxay ahaayeen
1: Ka qeyb galayaashu waxay shirka ku qirayaan in daraasada PDRC ay ku sameysay hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ay wax badan ka tari karto sidii loosii amba-qaadi lahaa geedi-socodka dimuqraadiyaynta islamarkaana loo heli lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah ku qabsooma.
2: Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqaysaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo laamaha kale ee dowladda ee ku shaqada leh inay dadajiyaan dhismaha guddiga kmg ah ee doorashooyinka iyo magacaabidda xubnaha maxkamada dastuuriga ee Puntland si waqti ku filan loogu helo fulinta qorshe howleedka doorashooyinka.
3: Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay balanqaadeen inay kaalin mugleh ka qaadandoonaan dadaallada dimuqraadiyaynta iyo inay la timaado qorshe cad oo midaysan kuna saabsan kaalintooda marka la unko guddiga kumeel gaarka ah ee doorashoyinka Puntland.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay xarunta PDRC lagu qabtay kulan sidoo kale looga doodayay barnaamijka axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Halkan ka dhagayso Baaqa Bulshada Rayidka Puntland