Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro
1 May 2017 (Puntlandes) R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray dalka,
Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha
Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro
R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed
Booqashada R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka.
Puntlandes.com