Akhriso: Wasiirka Maaliyadda DFS Beyle oo beeniyey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga & Raysul wasaare Xasan Khayre
1 May 2017 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter ka ku beeniyey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Raysul wasaare Xasan Khayre.
Warbaahinta Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa maalmihii u dambeeyey qorayey inuu jiro khilaaf u dhexeeya labada mas’uul, kaasoo ay ku sheegeen inuu ka dhashay kadib markii Khayre la wareegay shaqadii wasiirka.
Wasiir Beyle ayaa qoraalka ku yiri sidan “Warka beenta ah ee ay baahisay warbahinta aan xilkaska ahayn ee la xariira muranka R/W wa khalad.Waxan diirada sarayna dib u dhiska Somalia”
Hoos ka akhriso qoraalka wasiirka
Warka beenta ah ee ay baahisay warbahinta aan xilkaska ahayn ee la xariira muranka R/W wa khalad.Waxan diirada sarayna dib u dhiska Somalia pic.twitter.com/aGHiGdZwVk
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) May 1, 2017
Puntlandes.com